Home > Baarlamaan 2012 > Guddoomiyihii Hore Ee Guddiga Khuburada Dastuurka Oo Loo Doortay Afhayeenka Baarlamaanka Somalia

Guddoomiyihii Hore Ee Guddiga Khuburada Dastuurka Oo Loo Doortay Afhayeenka Baarlamaanka Somalia

Tuesday, August 28, 2012

Laaska News  August 28, 2012
Muqdisho – Tartankii doorashada afhayeenka Baarlamaanka soomaaliya ayaa ka dhacday maanta caasimadda soomaaliya ee muqdisho waxaana u tartamay xilkaa 5 musharax oo ka tirsan mudanayaasha Soomaaliya, waxaana xilkaa Afhayeenka (Guddoomiyaha) Baarlamaanka Somalia  ku guulaystay  Guddoomiyihii hore ee  Guddiga Khuburada Dastuurka  Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo helay codadka ugu badan ee doorashada codayntii wareeggii 1aad. Wareeggii labaad ee doorashada oo ay ahayd inay mudanayaashu u codeeyaan labada musharax ee  codka ugu badnayd oo kala ahaa  Prof. Jawaare iyo Prof. Galaydh ayuu  Mr.  Galaydh oo ahaa ninka labaad oo ugu cod badnaa wareeggii 1aad ee doorashada  uu  kahadhay.

 

 

Waxaa tartanka xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya usoo istaagay mudanayaasha kala ah:
1.Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

2.Prof. Cali Khaliif Galaydh.

3.Cabdi Xaashi Cabdullaahi

4.Cabdirashiid Xiddig

5.Xasan Abshir Faarax.

 

 
Wareeggii 1aad.

1.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari 119 Cod

2.Prof. Cali Khaliif Galaydh. 77 Cod

3.Cabdi Xaashi Cabdullaahi 23 Cod

4.Cabdirashiid Xiddig 10 Cod

5.Xasan Abshir Faarax. 5 Cod