Home > Baarlamaan 2012, Faallo > Somalia Oo Dooranaysa Afhayeen, Ku-xigeenno Iyo Wadadii Lagu Heli Lahaa Luggooye ama Hogaamiye Qaran (Aug.28,2012)

Somalia Oo Dooranaysa Afhayeen, Ku-xigeenno Iyo Wadadii Lagu Heli Lahaa Luggooye ama Hogaamiye Qaran (Aug.28,2012)

Tuesday, August 28, 2012

Laaskanews August  28,  2012

EPA(File)

Muqdisho, -Tartanka doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa ayaa lagu wadaa inay dhacdo aroorta, August 28, 2012,waxaanna muuqata in tartankani gaar ahaan xilka Guddoomiyaha uu yahay mid adag oo aan la saadaalin karin, dalkana ku keeni karta isbadal aan horrey loo arag haddii aanay jirin heshiis hoose oo ay leeyihiin musharaxiintu oo shacab weynaha ka qarsoon.

.
Xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa u tartamaya 5 mudane, waxaana dhici karta in 3 ama 4 kamid ah 5 taasi ay isku soo hadhaan, kadibna uu mid kamid ahi uu ku soo baxo,kaa soo baxay wuxuu darka kasaarayaa murashaxiinta ay isku Beesha kasoo jeedaan marka loo eego 4.5 ka oo u tartame lahaa jagada Madaxweynaha dalka ama isku dhigi lahaa kursiga R/wasaaraha.
.

Si kastaba ha ahaatee 5 ta mudane haddii 4 kamid ah uu midkood helo waxaa laga yaabaa in bulshada Soomaaliyeed ay arkaan inay meesha kabaxday kursigaas reer hebel kaliya ayaa isku sharaxi karta,balse uu isbadalku kuxidhnaan doono sida ay noqdaan mudanayaasha cusub ee Baarlamaanku.

.
Doorashada Afhayeenka Baarlamaanku waxay keeni kartaa ama waxay fure u tahay doorashada Madaxweynaha iyo in la doorto hoggaamiye Qaran,waxayna dalka ku keeni kartaa isbadal aan horrey loo arag oo keeni kara dawladnimo iyo soo celin haybaddii iyo karaamaddii dawladnimo ee ay lahayd umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxay keeni kartaa in aynu noqonno “dal ay xukumaan danjirayaal shisheeye oo laynagu xukumo waxaynu horrey usaxiixnay”!!!!!!!!

.

Waxaa intaa dheer ilaa iyo hadda ma jiraan cid saadaalin karta ama daraasad ka bixin karta qaabka, nooca,xirfadda, farsamada ama habka ay la iman doonaan mudanayaasha Baarlamaanka cusub, dariiqadda ay isticmaali doonaan ama ay wax ku dooran doonaan ama ay aaminsan yihiin inay dalkan ku hogaamiyaan xagga sharciga.

.

Mawaxay noqon doonaan kuwo doorashada ku saleeya danta dalka iyo umadda Soomaaliyeed, mise kuwo u dabran halka ay beeshu codka mariso, murashaxa u gacan weyn, ballan qaad kursi ama ka warsuga tilmaanta caalamka, dal hebel iyo Bulshada Caalamka.

.

Ugu-dambayntii waxaan mudanayaasha Soomaaliyeed xusuusinayaa “in doorashada afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisu ay keeni karto wadadii lagu heli lahaa hogaamiye Qaran ama luggooye Qaran”!!
.

Ciise Adan
.
Laaska News