Home > Baarlamaan 2012, Faallo > Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo La Ansixiyay Iyo Haweenka Baarlamaanka Oo Sameeyay Ricord Cusub

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo La Ansixiyay Iyo Haweenka Baarlamaanka Oo Sameeyay Ricord Cusub

Friday, August 31, 2012

Laaska News August  31,   2012

Muqsisho, Aug.30 -Iyadoo lagu wado doorashada madaxtinimada dalka in lagu qabto muddo toban cisho gudahood ah ayaa mudanayaasha Baarlamaanka cusub fadhi ay ku yeesheen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku ansixiyeen guddi doorasho oo ka kooban 15 xubnood oo lagu xulay habka 4.5 (H%), waxaana guddigaas saacadaha innagu soo fool leh laga filayaa inay ku dhawaaqaan shuruudaha laga doonayo musharaxa u tartamaya doorashada,  mudada qabashada araajid & goorta laqabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

.

Fadhigan uu Baarlamaanku yeeshay August 30,2012 ayaa noqanaya kii ugu horreeyay ee uu Guddoomiyo Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed  Xasan  Jawaari tan iyo intii la doortay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka.
.

Doorashadii Afhayeenka Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ee la qabtay dhawaan oo ay codaynta mudanayaashu qaadatay saacado fara badan waxaa fadhigaas  Guddoominayay Md. Muuse Xasan Cabdulle  (Gen.Muuse Xasan) madashaas oo caalamka iyo Soomaaliduba ay si aad ah indhaha ugu hayeen.

.

Md. Muuse waxaa la sheegay in Guddiga doorashada ee 15 ka ah ee hadda ladoortay uu ku yahay +1 Gentleman , kadib  markii Afhayeen Jawaari uu ka codsaday Baarlamaanka in Mudane Muuse uu la dhiraan dhirayo mudanayaasha 15 ka ah qabanqaabada doorashada,lagana aqbalay.
.

Warar kale ayaa sheegaya in guddigan ka kooban 15 ka mudane ee doorashada Madaxweynaha J. S. ay si lamid ah Guddigii hore ee doorasha Baarlamaanka oo ay iyaguna Mudane haween ah ay Guddoomiye u doorteen mudanahaas oo ah “Md. Maryam Cariif Qaasim”.

.

Guddigan 15 ka ah waxay kala yihiin 10 rag ah iyo 5 haween ah.
.
Guudigii  hore ee doorashadii   Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaa Guddoomiye u ahayd Md.Caasha Xaaji Cilmi.

.

Haweenka ama Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxay noqdeen markii koowaad inay ricord cusub sameeyeen ayna madax ka noqdaan Guddiyada doorashada ee dalka adduunka ugu qalafsan ee caalamku hadda la yaaban yahay sida ay doorashada uga dhacday , iyagoo Guddoomiyeyaal ka noqdeen gabdhuhu  labada Guddi ee Guddiga doorashada ee (madaxweynaha J.Somalia iyo ta Guddoomiyaha Baarlamaanka ee) dalka Soomaaliya 2012.

.

Haddaba Soomaaliya waa arrin ku cusub ee caalamka maku haysaan haween madax ka noqday labada doorasho ee Madaxweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan mar wada dhacay ee maalmuhu udhaxeeyaan?.

.

Waxaan ku rajaweynahay inay tahay ricord cusub oo ay gabdhaha Soomaaliyeed sameeyeen,waxaase daran inuu caalmku maalin dhaw uu innagu soo jeesto oo yidhaahdo waad naga dheerayseen!!!!!
.

Bal is Ilaaliya!

.

Guuleed.

.

Laaska News

.

FG. Liiskan hoose waxaa lagu sheegay warbaahinta Qaranka.   (Akhri)

.

Magacyada Guddiga Doorashada Madaxweynaha.
Maryan Cariif Qaasim

Khadiijo Maxamed Diiriye
Maxamed Cumar Maxamuud
Ibraahim Saalax Deyfullah
Axmed Cismaan Ibraahim
Sacdiyo Careys Ciise
Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
Daahir Amiin Jeesoow
Cismaan Maxamed Cabdi Daallo
Axmed Aadan C/raxmaan
Saynab Maxamed Caamir
Axmed Aadan Axmed

Cismaan Libaax Ibraahim

Aweys Cabdullaahilaahi Ibraahim