Home > Baarlamaan 2012 > Somalia -Shuruudaha Laga Doonayo Cidda U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo La Sheegay

Somalia -Shuruudaha Laga Doonayo Cidda U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo La Sheegay

Saturday, September 1, 2012

Laaska News    Sept.  1,  2012

Muqdisho, Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Shuruudaha laga doonayo qofka  (musharaxa) u tartamaya xilka Madaxweynaha J.Soomaaliya, kadib markii ay Guddigu kulan ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho.Guddiga ayaa sidoo kale  maalintii shalay sheegay in doorashadu  Madaxweynaha ay dhacayso 9 sept. 2012.

.

Sida ay warbaahintu kasoo xigatay afhayeenka Guddiga doorashada madadaxweynaha Md. Cismaan Libaax Ibraahim shuruudaha laga doonayo cidda utartamaysa xilka Madaxweynaha J. S. waxaa kamid ah:

.

Inuu yahay Soomaali,Muslim ah.

.
Inaysan Da’diisu ka yarayn 40 Sano.

.
Inuu leeyahay aqoon & waayo aragnimo  u qalanta .

.

Inuu dhimirkiisu dhan yahay.

.
Inuusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

.

Inuu (is diwaan galiyo) bixiyo Lacag dhan $10,000 .
.

Inuu soo gudbiyo  taariikh nololeedkiisa.
codsi musharaxnimada oo laba nuqul ah.
Inuu keeno laba sawir.

.

END

.

Waxaa kale oo wararka qaar sheegayaan  in uu dhiman yahay qodob ku saabsan in musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha  uu saxiix kalsooni ah ka haysto 20 xil dhibaan, dib loo dhigay oo Baarlamaanku go’aan ka gaadhi doono.

.

Laaska News