Home > Baarlamaan 2012 > Somalia – Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Qodobka Ah In “Murashaxa Madaxweynaha Uu Haysto Codka 20 Mudane”

Somalia – Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Qodobka Ah In “Murashaxa Madaxweynaha Uu Haysto Codka 20 Mudane”

Sunday, September 2, 2012

Muqdisho,  Sept. 2 (LN) –  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan fadhi ah ku yeeshay maanta xarunta Golaha Shacabka ee caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa dood ka yeeshay ajandayaal dhawr ah,qaarkoodna go’aan ka gaadhay sida qodobkii ahaa cidda u tartamaysa madaxtinimada dalka inuu la yimaado codka kalsoonida 20 xildhibaan, waxaana lagu soo waramayaa in qodobkaasi uu waayay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd, balse uu ka cod batay qodob kale oo uu helay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd kadib markii mudanayaashu ay cod u qaadeen.

.
Fadhiga golaha shacabka uu maanta ku yeeshay xaruuntiisa ayaa noqonaya markii koowaad ee uu fadhi ku yeesho sidii loo doortay baarlamaanka cusub,waxaana lagu soo waramayaa inuu furay fadhigaa, uuna gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan (Prof.Jawaari) isla markaana uu golaha (mudanaasha) hor dhigay ajandayaasha fadhiga maanta si ay dood uga yeeshaan.

.
Waxaana la sheegay in ajandayaashaasi uu ka mid ahaa ugana muhiimsanaa midka kusaabsan “in Murashaxa u tartamaysa doorashada Madaxweynaha J. S. uu haysto kalsoonida(ama codka) 20 mudane”.

.

Qodobkan ayaa la sheegay in uu kamid ahaa shuruudaha lagu dooranayo madaxweynaha balse Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee dhawaan la dooraty ee ku jira qabanqaabada doorashada ee soo saaray shuruudaha laga doonayo musharaxa madaxweynaha ay qodobkaa kusoo celiyeen baarlamaanka si ay go’aan uga gaadhaan Baarlamaanku kadib markii mucaaradad xoog leh lagala hor yimid.

.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Marwo Maryam Cariif Qaasim ayaa furitaankii fadhiga kadib golaha uga warbixisay wax qabadkii guddiga doorasha iyo shuruudaha ay saareen ee laga doonayo cidda u tartamaysa Murashaxa Madaxweynaha, sida lagu sheegay warbaahinta qaranka.

.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay jirto aragti lagu kala duwan yahay iyo muran ka taagan arrinta ku saabsan doorashada’ maadaama mudanayaasha qaarkood ay kasoo hor jeedaan qaar kamid ah qodobada ay soo bandhigeen Guddiga doorashadu,waxayna diidmadooda ku macneeyeen “in Murashax walbaaba uu xaq u leeyahay in isa soo sharaxo”.
.

kadib markii goluhu uu dood xoog leh ka yeeshay ajandaha kor ku xusun ee ah murashaxa Madaxweynaha waxa uu Guddoomiyaha Baarlaamaanku usoo jeediyay mudanayaasha in goluhu ay cod u qaadaan labada qodob ee kala ah:

.

In murashax kasta uu la yimaado kalsoonida 20 xildhibaan,islamarkaasna ay ogaanayaan oo kaliya Guddoonka Baarlaamaanka.
.

In xildhibaan kasta uu soo jeedin karo 3 murashax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha, islamarkaasna ay ogaanayaan oo kaliya Guddoonka Baarlaamaanka.

.

Waxaa la sheegaya in mudanayaasha fadhiga kasoo qayb galay ay tiradoodu ahaayeen 207 mudane.

.

Natiijada Codaynta:

.

Sida ay ku warantay BBc du, waxay mudanayaashu ugu kala codeeyeen sida soo socota:

.

130 mudane waxay u codeeyeen:
.

In xildhibaan kasta uu soo jeedin karo 3 murashax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha,islamarkaasna ay ogaanayaan oo kaliya Guddoonka Baarlaamaanka.

.
25 mudane waxay u codeeyeen:
.
In murashax kasta uu la yimaado kalsoonida 20 xildhibaan,islamarkaasna ay ogaanayaan oo kaliya Guddoonka Baarlaamaanka.

1 mudane wuxuu kuu codeeyay:

Diidmo.

.
Waxaa Ka aamusay:

.

3 mudane .
.

Waxaa kale oo in taa dheer inaysan wali jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Golaha Baarlamaanka ama Guddiga doorashada  oo rasmi ah oo ku saabsan arrintaa.

.