Home > TFG Somalia > Madaxweyne Shariif Oo Kasoo Laabtay Dibadda

Madaxweyne Shariif Oo Kasoo Laabtay Dibadda

Monday, September 3, 2012

Laaska News  Sept. 3, 2012
Muqdisho- Madaxweynaha Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa maanta kasoo laabtay socdaal gaaban oo uu ku tagay dalka dibaddiisa, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay gagida dayuuradaha ee Adan Cadde Airport Muqdisho.
.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kasoo laabtay socdaal ay ku tageen caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-Ababa halkaas oo ay kaga soo qayb galeen aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zenawi oo la sameeyay Sept.2,2012.

.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu soo dagay kadib loo galbiyay xaruunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya,waxaana lagu soo waramayaa in madaxweyne Shariif markii uu gaadhay xaruunta qaranka uu shirjaraa’id ugu qabtay warbaahinta.

.

Muqdisho.

Laaska News