Home > Baarlamaan 2012 > Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay

Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay

Monday, September 3, 2012

Laaska News  Sept . 3,   2012

Muqdisho – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay maanta bilaabeen qabashada codsiyada iyo diiwaangalinta musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo lagu wado inay dalka ka dhacdo todobaadka dambe

.

Waxaana lagu soo waramayaa in musharaxiin kabadan labaatan ay ka qayb galeen diiwaan galinta oo ay gudbiyeen codsigooda sida lagu sheegay warbaahin kala duwan oo soo xiganaya afhayeenka Guddiga Doorashada.

.

Afhayeenka Guddiga doorashada Mudane Libaax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diiwaan galiyeen 22 musharax,una qaybiyeen foomam laga doonayo inay buuxiyaan musaraxiinta.

Muqdisho.

Laaska News