Home > SOMALI ELECTIONS > Somalia Election 2012:Qaylo Kama Yeerin Guddiga Doorashada,Codsiyada Murashaxiinta Plus,Qabashada Oo Ku’eg Sept.6

Somalia Election 2012:Qaylo Kama Yeerin Guddiga Doorashada,Codsiyada Murashaxiinta Plus,Qabashada Oo Ku’eg Sept.6

Wednesday, September 5, 2012

Laaska News  Sept. 5, 2 012

Muqdisho – Wararka ka imanaya caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku soo waramaya in guddiga doorashada ee ku hawlan qabanqaabada doorashada madaxtinimada dalka ay wadaan qabashada codsiyada, diiwaangalinta,bixinta iyo qabashada foomamka ee murashixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha oo lagu wado in la qabto 10 ka Sept.2012.Shaqada guddigaasina ay u socoto si wanaagasan iyadoo ay isa soo tarayaan tirada murashaxiinta ee qaadanaysa foomamka.Guddiga doorashada ayaa horrey u sheegay in qabashada codsiyadu ay socon doonto 3-6 Sept.
.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in murashaxiinta u tartamaya inay hogaamiye ka noqdaan J. Soomaaliya ay tiradoodu kor u socoto,waxaana soobaxaya waar sheegaya in kabadan 36 murashax ay codsiyadooda u gudbiyeen guddiga doorashada ilaa maalintii uu guddigu furay qabashada araajida,waxaana la filayaa in tiradu intaa kasii korodho inta aan lagaarin waqtiga ay ku eg tahay qabashada codsiyadu ee ay guddiga doorashada dalka u qabteen,waqtigaas oo ay ku eg tahay maalinta barri ah saacadda madka ay tahay 5:00 galabnimo.

Related Articles:

Somalia -Liiska Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Somalia Oo Guddiga Doorashadu Ku Dhawaaqay (Sept. 6, 2012)

Somalia Election – Musharaxiin Buuxiyay Shuruudaha Doorashada Oo Magacyadooda La sheegay

Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay