Home > SOMALI ELECTIONS > Somalia Election – Musharaxiin Buuxiyay Shuruudaha Doorashada Oo Magacyadooda La sheegay ( Sept. 5, 2012)

Somalia Election – Musharaxiin Buuxiyay Shuruudaha Doorashada Oo Magacyadooda La sheegay ( Sept. 5, 2012)

Wednesday, September 5, 2012

Laaska News  Sept. 5,   2012
Murashax (Farmajo, Baadiyaw,Caddaw,Gaas,Goonjeex).

Muqdisho – Waxaa lagu soo waramaya in murashaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee is diwaan galiyanaya ay tiradoodu isa soo tarayso tiradoodu,in kastoo aan la gaadhin waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay ku egtahay diiwaan galinta iyo buuxinta foomam ka ee shuruudaha murashaxnimo, haddana waxaa soo baxay oo ay warbaahintu heshay magacyada dhawr murashax kuwaas oo la sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii murashaxnimo ee ay soo jeediyeen guddiga doorashada dalka.

.

Shuruudaha laga doonayo Murashaxa u tartamaya Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah:
.

inuu Murashaxu bixiyo 10,000
Inuu soo buuxiyo Foom.
Inuu haysto codka 20 Mudane.
.

Musharaxiinta soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa murashaxa u tartamayaayaa xilka madaxweynaha ayaa ilaa hadda waxaa lasoo bandhigay magacyada 5 musharax.

.
sida lagu sheegay warbaahinta qaranka oo soo xiganaysa Afhayeenka Guddiga doorashada Md.Libaax waxay magacyadoodu kala yihiin:

.
Murashax (Farmajo,Baadiyaw, Caddaw,Gaas,Goonjeex).

.

FG: Murashaxiintu intan kuma koobna

 

 

Related Articles:

 

Somalia -Liiska Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Somalia Oo Guddiga Doorashadu Ku Dhawaaqay (Sept. 6, 2012)