Home > SOMALI ELECTIONS > Somalia – 10 Musharax Oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.7,2012)

Somalia – 10 Musharax Oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.7,2012)

Saturday, September 8, 2012

Muqdisho, Sept.7 (LN)-Iyadoo lagu wado in doorashada madaxweynaha Soomaaliya laqabto tobanka bishan oo ay ka dhacdo magaalada muqdisho islamarkaana ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay cod qarsoodi ah ay ku doortaan cidda noqonaysa madaxweynaha Somalia, kana doortaan 25 ka murashax ee kasoo baxay shuruudihii doorashada ayaa baarlamaanku bilaabay galabta (Sept.7, 2012) dhagaysiga khudbadaha Murashaxiinta.

.

10 kamid ah Musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo galabta baarlamaanka hortiisa ka bilaabay khudbado ay ku soo bandhigayeen barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ku hogaaminayaan dalka haddii loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay caawa.

.

Waxaa galabta ka furmay xaruunta Golaha shacabka ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kulan ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uuna guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.
.

kulankaas oo ahaa fadhiga 7 aad ee kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudanayaashu
kaga dhagaysanayeen 1o musharax oo kamid ah 25 ka musharax ee u tartamaya jagada madaxweynaha Soomaaliya barnaamijkooda siyaasadeed ee musharax walba uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii uu noqdo kii loo qoray inuu ka noqdo Madaxweyne Soomaaliya.

.
Waxaana kulankaasi socday ilaa caawa,waxaana lagu soo waramayaa in murashaxiintu ay halkaa ku soo bandhigeen khudbado ku salaysan qorshahooda murashaxnimo, guud ahaana marka loo eego khudbadahooda waxyaalaha ay uga hadleen ee ay sheegeen inay wax ka qabanayaan ayaa waxaa kamid ah arrimaha Amniga, Siyaadda, Dhaqaalaha,dib u heshiisiinta.IWM.

.

Murashaxiinta Barnaamijkooda Siyaasadeed ka hor jeediyay Baaerlamaanka waxay magacyadoodu kala yihiin:
.

1. Axmed Ismaaciil Samater.
.

2. Xuseen Khaliif Jaamac.
.
3. Salaad Cali Jeelle.
.
4. Shariif Shiikh Axmed (Sh.Shariif)
.

5. Cabdilaahi Axmed Caddaw
.

6. Cumar Salaad Cilmi.
.

7. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)
.

8. Maxamed Axmed Saalax
.

9. Maxamed Cabdillaahi (Oomaar)
.

10.Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmajo)

.

Waxaa lagu wadaa in maalinta barrito ah ay 15 murashax ee ka dhiman 25 ka murashax ay hor tagi doonaan baarlamaanka si ay qorshahooda siyaasadeed usoo bandhigaan.
.

Laaska News