Home > SOMALI ELECTIONS > Murashax Shiikh Shariif Oo Casuumad Ku Qabtay Muqdisho,Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka Oo Taageeray

Murashax Shiikh Shariif Oo Casuumad Ku Qabtay Muqdisho,Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka Oo Taageeray

Sunday, September 9, 2012

Muqdisho -Sept.9 (LN) -Waxaa lagu soo waramaya in murashax Shariif Sheekh Axmed (Madaxweynaha Somaliya) uu maanta casuumad ballaaran oo si weyn loo soo qaban qaabiyay uu ku qabtay hotel Palaasa ee magaalada Muqdisho, munaasabadaasna ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin ay kamid yihiin afhayeenkii hore ee baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Adan,R/wasaarihii hore ee Prof. Geedi,Wasiiro TFG da ah oo laga magacaabay Wasiirka A.Gudaha , Wasiirkii Gaashaandhigga,mudanayaal , siyaasiyiin kale.

.

Waxaana la sheegay in Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan oo goobtaa khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in uu taageeesan yahay murashax Sh.Shariif.

.