Home > SOMALI ELECTIONS > Somalia -15 Musharax Oo Qorshahooda Hogaamin Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.8,2012)

Somalia -15 Musharax Oo Qorshahooda Hogaamin Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.8,2012)

Sunday, September 9, 2012

Update:Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. (Waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada uu na ka sheegay baarlamaanka hortiisa).

Muqdisho, Sept.8 (LN)-Waxaa lasoo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya hogaaminta dalka Soomaaliya ay ka hor jeedinayeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhiyo ku yeeshay magaalada Muqdisho (7 & 8 ) Sept.2012.

.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, Sept.10,2012, waxaana dooranaya baarlamaanka Soomaaliya. Murashaxiinta u taagan jagada ayaa tiradoodu tahay 25 murashax,  10 kamid ah murashaxiinta waxay barnaamijkooda siyaasadeed ka hor jeediyeen kulan uu baarlamaanku ku yeeshay aqalka umadda 7 dii  Sept. (ka Akhri halkan).

.

15 murashax oo kamid ah 25 ka murashax ee u taagan inay u tartamaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo ah 8 da Sept. hor tagay kulanka baarlamaanka waxayna ka jeediyeen khudbado kusaabsan qorshaha siyaasadeed ee uu murashax walba oo 15 ka kamid ah uu doonayo inuu ku hogaamiyo dalka Soomaaliya haddii isaga la doorto.

.
Murashaxiinta 15 ka ah waxay magacyasoodu kala yihiin:

.

.
1. Ibraahim Cali Xuseen.

.
2. Bashiir Nuur-Bidaar Xasan.

.

3. Xasan Shiikh Maxamuud.

.

4. Saciid Ciise Maxamuud.

.
5.  Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

.
6.. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. (Waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada uu na ka sheegay baarlamaanka hortiisa

.

7.. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

.
8. Cabdiraxmaan Macalin Cabdillaahi (Baadiyaw).

.

9.. Cabdiqaadir Cosoble Cali.

.

10. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex).

.

11. Cali Maxamed Ismaaciil Yaasiin.

.
12. Cismaan Maxamed Gacal.

.

13. Maxamed Cabdiwali Shiikh Yuusuf.

.

14. Maslax Maxamed Siyaad.

.

15.Yuusuf  Garaad Cumar.

END.

.

Laaska News