Home > SOMALI ELECTIONS > Murashax Shariif Oo U Hambalyeeyay Murashaxii Tartanka Ka Helay (Sept. 10, 2012)

Murashax Shariif Oo U Hambalyeeyay Murashaxii Tartanka Ka Helay (Sept. 10, 2012)

Tuesday, September 11, 2012

Muqdisho- Sept. 10 (LN)- Murashax Shariif (Madaxweyne Shariif) oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka kadib markii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay natiijadii rasmiga ahayd ee kasoobaxday tartankii doorashada Madaxweynaha ee ay wareeggii 3aad ku tartameen isaga iyo Murashaxa kale ee ku guulaystay tartanka doorashada Madaxweynaha Federaalka Jamhuuriyadda   Soomaaliya Mudane Xasan (Madaxweynaha Cusub).
.

Murashax Shariif waxa uu sheegay inuu ogol yahay natiijada kasoobaxday doorashada,uuna hambalyeynayo murashaxa kale ee ku guulaystay doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

.
Murashax Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu isla goobta kaga dhawaaqay oo uu amar ku bixiyay inay taliyayaasha ciidamadu ay amarka ka qaataan murashaxii ku guulaystay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Shiikh Maxamuud (madaxweynaha cusub), inkasoo aan wali la dhaarin ayuu raaciyay.
.

Mudane Shariif waxa kale oo uu xusay inuu la shaqayn doono  Mr. Hassan sida haddii aan ku guulaysto aan ujeclaan lahaa in la’iila shaqeeyo ayuu yidhi.