Home > SOMALI ELECTIONS > Gudoonka Baarlamaanka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashada Madxweynaha Somalia (Sept. 10, 2012)

Gudoonka Baarlamaanka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashada Madxweynaha Somalia (Sept. 10, 2012)

Tuesday, September 11, 2012

Update:Xasan Shiikh  oo loo dhaariyay Madaxweynaha Soomaaliya”.

Muqdisho– Sept.10 – Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada rasmiga ahayd ee kasoo baxday tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Muqdisho Sept. 10, 2012 ayna wareeggii 3aad ee doorashada ku tartameen laba musharax.
.
Murashax   Xasan Shiikh Maxamuud.
.

Murashax   Shariif  Shiikh Axmed.
.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Xasan Jawaari ayaa gudoominayay fadhiga maanta iyo caawa ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ugu codaynayeen murashaxiinta u tartamayay xilka madaxweynaha Soomaaliya.
.

Waxaa la sheegay in mudanayaal tiradoodu tahay 271 xildhibaan ay joogeen fadhiga maanta.
.

Codka saxda ahna uu noqday 269.
.
Mudane Jawaari waxa uu sheegay in labada musharax ee u tartamay wareeggii 3 aad ee doorashada ay kala heleen:

.
Murashax Xasan Shiikh Maxamuud .                         190                 cod.
.

Murashax  Shariif  Shiikh Axmed.                                   79 .                cod.
.
Sidaa awgeedna uu Murashax Xasan Shiikh Maxamuud uu yahay murashaxa ku guulaystay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

.

 

 

Madaxweynaha Cusub oo La dhaariyay:

 

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waxaa loo dhaariyay Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay goobta doorashada.

 

 

Related Articles:

.

Halkan ka eeg Murashaxiinta kale :

Natiijada Wareegga 1 aad
.
(Laaska News)