Home > TFG Somalia > Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Oo Ka Badbaaday Qaraxyo Ismiidaamin Ah,Shacabkana Lahadlay

Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Oo Ka Badbaaday Qaraxyo Ismiidaamin Ah,Shacabkana Lahadlay

Thursday, September 13, 2012

Laaska News  Sept. 13, 2012            (Akhri  Khudbadda)

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud ee la doortay Sept. 10 keedii ayaa warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ugana tacsiyadeeyay geerida dhawr kamid ah ciidanka  oo waxyeelo geeri iyo dhaawacba leh ay kasoo gaadhay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu kabadbaaday,Madaxwynaha JFS, Waxa kale oo uu sheegay inaysan waxba kabadalayn qaraxayadaas dhacay,oo aysan kaleexanayn wadada lahaysto(loo joojin maayo weeye macnaheedu).
.

Waxaa lasheegay in shalay Madaxweynaha JFS uu ka badbaaday qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah oo kadhacay sida lasheegay banaanka hore ee hotelka Jasiira ee uu daganaa,kuna yaal agagaarka garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, waqtiga qaraxu dhacayana ay shir kuwada lahaayeen wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo.

.
Inkastoo aanay jirin cid tafaasiil rasmi ah kabixisay sida ay wax u dhaceen haddana Waxaa la sheehgay in ciidamaada goobtaa ilaalada kahayay ay suura galiyeen inaan la dhaafin oo ay rasaas fureen intaan lasoo gaarin, halkaana ay is dhaaftay rasaasta iyo qaraxu.

.
Waxaa la sheegay in ciidanka ilaalada ah oo isugu jira kuwa dawladda iyo Kuwa AMISOM uu qaraxaasi kasoo garay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,qof rayid ah,sidoo kalana raggii weerarka ismiidaaminta ah soo qaaday.
.

Waxaa kale oo la sheegay in markiiba ay goobta soo gaareen ciidamo dawladda ah iyo kuwa AMISOM.

.

Waxaa kale oo la sheegay in shirkii kasocday hotelka halkiisii lagasii watay,waqtigii qaraxu dhacayna  uu socday shir jaraa’id  oo ay labada dhinac wada lahaayeen. 

.

Waxaase ka darnaan lahayd oo uu qasaaraha qaraxaasi lagu rogman lahaa haddii uu gaari lahaa hotelka iyo goobta shirka.
.
Waxaa la sheegay in shirka lagu badnaa labada dhinac waa dhinaca Kenya iyo dhinaca Soomaaliya.

RM/Photo.

.
Masuuliyiinta la xusay oo la sheegay inay madaxweynaha  la  kulanka wafdiga ku weheliyeen ayaa waxaa kamid ah R/waasaare Cabdiwali iyo dhawr gilihiisa wasiirada kamid ah,xukuumaddan oo ah xukuumada aan wali  la dooran xukuumaddii badali lahayd.

 

 
.

Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Prof.  Xasan oo  La Hadlay Shacabka Tacsina U diray (Sept. 12, 2012).
.

Madaxweynaha oo ku sugan madaxtooyada ayaa waxaa uu warbaahinta qaranka kala hadlay shacabka waxaana hadaladiisa kamid ah:

.
Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba inaan uga tacsiyadeeyo wiilashii ciidanka katirsanaa ee ku  ee maanta ku geeriyooday weerarkii fulaynimada ahaa ee ay soo qaadeen kooxaha shabaab.
.
Wiilashaa ilaahay ha unaxariisto, iyagoo waajibaadkooda gudanaya ayay geeriyoodeen.

.
Haddii ay ahayn in waxaa nalaku niyad jabiyo,waxaan rabaa shacabka soomaalieed inaan u sheego waxaas  maanta dhacay iyo wax kasta oo kale oo kaweyn oo dhaca annaga naga leexin maayaan wadadii aan ku taagnayn,nagamana weecinayso ballaantii aan qaadnay iyo kutubkii aan ku dhaaranay ee aan gacanta saarnay.

.

Waxaan rabaa dadka soomaaliyeed inaan u xaqiijiyo wixii maanta dhacay waxay kabadalayaan nidaamka cusub iyo dawladnimada cusub iyo isbadalka socda majiraan.
.

Wixii wanaag ahaa ee horrey loo qabtay ayaan halkoodii kasii wadaynaa.
.
Inta wanaagsan waxay qabatay ayaan wax ku leenahay,intaas ayaan wax ku  …..
.

Waxaan rabaa mar kale dadka soomaaliyeed inaan u xaqiijijiyo inaanay waxba kabadalayn fikirkeena iyo dareenkeena iyo d.. iyo balantii aan umadda u qaadnay waxaas iyo wax lamid ah oo shaca inaanay waxba kabadalayn,intaan noolnahayna horaan usicon doonaa..

.

Somalia waa socotaa,wadadii nabadda ayay kusocotaa,insha allah waana lagu guulaysanayaa.

.

Dadka Soomaaliyeed kalsooni badan haku qabeen dawladooda iyo ciidankiida amniga waa kuwii maanta fashiliyay kuwa danbae oo soosocdana fashilin doona haddii alla yiraahdu anmuurahaasi sidaas ayay ahaan doonaan.
.

Wiilashii shuhadada ahaa ee naga geeriyoodayna ilaahay haw naxariisto.
.

Iyagana waxaan leeyahay haku caqli qaataan inaysan waxba badalaynin, wiilasha yaryarka ah ee meesha ku dhintay ayay sababeen,kuwii ka dambeeyay ee waxan soo abaabulay,waxaan ahayn wiilashaa yaryarka ah inay dhintaan oo iyagu ay soo direen, oo ay soo marin habaabiyeen, ayuun baa jiri karta ee wax kale majiraan.
.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaan leeyahay kalsooni haku qabeen dawladooda.

.

Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.

 

 

 

Laaska News

 

 Related Articles: