Home > Muqdisho > Qaraxyo Lasheegay Inay Ka dhaceen Muqdisho,Madaxweynihii La Doortay Oo U Wareegay Madaxtooyada

Qaraxyo Lasheegay Inay Ka dhaceen Muqdisho,Madaxweynihii La Doortay Oo U Wareegay Madaxtooyada

Thursday, September 13, 2012

Laaska News Sept. 12, 2012

Muqdisho – Laba qarax oo isxiga oo ismiidaamin ah ayaa laga soo sheegay inay ka dhaceen maanta banaanka hore ee hotel uu daganaa  Madaxweynaha la doortay ee Xasan Sheikh Maxamuud,waxaana la sheegay in waqtiga uu falkaasi dhacayo uu madaxweynaha kusugnaa hotelka oo uu shir kula lahaa wafdi reer Kenya ah oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda.

.
Lama sheegin wax soo gaadhay masuuliyiinta labada dhinac ee xilligaa ku sugnaa hoteelka.
.

Waxaana lagu soo waramaya in madaxweynaha cusub  halkaa iyo madaxtooyadaii loo wareejiyay.

.

Waxaase ay warbaahintu sheegaty inay jiraan dhimaasho iyo dhaawac dhawr qof ah oo ciidamada ah.

Warbaahinta dawladda ayaa iyadu sheegaty in uu ahaa weerar is qarxin ah oo ay ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ay fashilayeen.

.

BBC da ayaa iyadu soo tabisay inay 8 qof oo dhimasho ah   oo isugu jira ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM, dadka weerarka soo qaaday iyo sidoo kale  qof rayad ah.Waxaa kale oo ay sheegaty in weerarkaas loo tirinayo inay gaysteen rag kasoo jeeda shabaab.

.

Maxamed Ali