Home > TFG Somalia > Somalia – Madaxtooyada Qaranka Iyo “Hadyado Madaxweyne” Dahab U Badan Oo Labada Madaxweyne Lakala Wareegeen.

Somalia – Madaxtooyada Qaranka Iyo “Hadyado Madaxweyne” Dahab U Badan Oo Labada Madaxweyne Lakala Wareegeen.

Friday, September 14, 2012

Laaska News  Sept. 14, 2012

“Madaxweyne Shariif  Haloo Celiyo Seefta Dahabka Ah” Laaska News + Garaad Square.


Madaxweyne Shariif Oo Ku Wareejiyay Madaxweynaha Cusub ee Somalia “Hadyado Madaxweyne” Dahab U Badan Oo Xilligiisii Madaxda Caalamku Gudoondiisay.


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligiisi dhamaaday Md. Shiikh Shariif sh. Axmed uu shalay uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu ku wareejiyay Madaxtooyada Qaranka iyo waxyaalo hadyado ah oo dahab ubadan oo horrey loogu siiyay hab sharafeed “hadyado Madaxweyene” sida lagu sheegay warbaahinta dawladda.

.
Munaasabadda rasmiga ah ee xilwareejinta ayaa lagu wadaa inay dhacdo  16/9/2012 sida uu horrey ugu dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

.
Waxaa la sheegay in Madaxweynaha cusub ee JFS  Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ay weheliyaan Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari  uu Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday ee Sh. Shariif Sh. Axmed uu kala tusay, kalabaray, kuna wareejiyay dhammaanba Madaxtooyada Qaranka & qaybaheeda kala duwan,xafiisyadeeda iyo shaqaalaheeda.

 


.

RM/Photo.

.

Sidoo kalana uu ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Documentiskii yaalay xafiisyada iyo Hadyado madaxda caalamku ay horrey usiiyeen.

.

Hadyadahaas uu  Mudane Shariif ku wareejiyay Madaxweynaha JFS Mr. Maxamuud ayaa la sheegay inay yihiin kuwo madaxda Caalmaku ay hadyado usiiyeen Madaxweynaha  hore ee Soomaaliya  Shiikh shariif Shiikh Axmed waqtigiisii ayna kamid yihiin:
 

.
Sida  Seef Dahab ah, dhismaha kacbada oo dahab ah, saacad dahab ah, dhismaha hore ee Midowga Afrika iyo dhismihii cusub ee Midowga Afrika oo dahab ah, iyo hadyado kale oo horrey loo gudoonsiiyay.

.

Haddaan si kale u fasiro waxay ila tahay in kalmadda ah wareejin ay macnaheedu tahay “hanti la qareemayay”.

.

Haddaba mar haddii Madaxweyne Shariif uu hadyaddii wareejiyay “Soomaaliyay Gobanimada haka taganina” ee Madaxweynaha mar haddaad tidhaahdeen ku huleel – “Codkii”.
Haddii Soomaali Isku dhaqan tahay.
.

Haloo Celiyo “Seeftaa dahabka” ah ee ku jirtay  hantidu wareejiyay.

.

Ileen waad og tihiin  wixii Qaranka Soomaaliyeed Lahaa Soomaali ayey Ku maqan tahaye, cid wax soo celisayna  xitaa warqado iyo documents  ku dhehoo , waad og tihiin oo wey tirsan tahay.

.

Waxa wali lagu burburinayaa  dalka oo  uu u dhisme la’ yahayna waa hantidii qaranka oo wali la macaansanayo  oo hadda noqotay  “Veteo -da Soomaaliya”. Ileyn Soomaalida sideeda kale makala awood badna oo makala dhaqaale badna waad ogtihiine!!!

.

RM/photo.

.

Laaska News.

Plus.

“Garaad Square”.