Home > SOMALI ELECTIONS > Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Loo Caleemo Saaray Somalia

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Loo Caleemo Saaray Somalia

Sunday, September 16, 2012

Laaska News  Sept. 16, 2012

waxaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho munaasabadda caleemosaarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu kula wareegay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

.

Munaasabaddan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo qaban qaabiyay laguna qabtay dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho ayaa ahayd Munaasabadda caleemosaarka Madaxweynaha cusub ee J F Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee uu Baarlamaanka Soomaaliya uu doortay Sept. 10,2012 uu si rasmi ah ugula wareegay xilka Madxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

.
Munaasabadan lagu caleemo saaray madaxweynaha JFS Dr. Xasan waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari , R/wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, sidoo kale waxaa ka qayb galay madax dawladeed, danjirayaal & wakiilo  kasocda wadamada Gobolka iyo kuwa Caalamka.

.

Madaxda kasoo qayb gayb gashay caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay kamid yihiin:

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti H.E. Ismaaciil Cumar Geele.
.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka turkiga

.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam.

.
Raysal wasaare ku-xigeenka Uganda.
.

Lataliyaha Madaxweynaha Suudaan, Mudane Naafac Cali Naafac.
.

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar.

.
Gudoomiyaha Midawga Afrika.

.
Wakiilka Jaamacadda Carabta.

.
Munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha J F Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah madaxda kasoo qayb gashay oo uu kamid yahay Madaxweynaha DJibouti Md. Geele oo ah Madaxweynaha kaliya ee kasoo qayb galay caleemosaarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
.
.
Waxaa kale oo khudbad ka jeediyay R/wasaaraha Itoobiya.

.

Dhinaca Somalia waxaa khudbado ka jeediyay:
Madaxweynihii hore ee JF Soomaaliya Md. Shariif Sheekh Axmed.

 

.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

.

Waxayna munaasabaddaas ku soo dhamaatay si nabad galyo ah.

.
Muqdisho.

Sept. 16, 2012

 

 

 

Related Articles:

 

Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Ee Sept.16,2012 (Sawirro)