Home > WARARKA > Warka Dalka -Somalia Oo Ka Baxday Xilligii KMG – QM

Warka Dalka -Somalia Oo Ka Baxday Xilligii KMG – QM

Tuesday, September 18, 2012

Laaska News   Sept. 17, 2012

Warbaahinta Qaranka oo sheegtay in Qaramada Midoobay ay  ku dhawaaqay inay Soomaaliya ka baxday xilligii kumeel gaarka ahaa.

 

 

Q.M. oo ku dhawaaqday in Somalia ay ka baxday xilligii KMG

By Mawliid

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday in Soomaaliya ay gebi ahaanba ka gudubtay KMG-nimadi islamarkaana ay si rasmi ah u yeelatay Dowlad Qaran oo dhameystiran ah.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Agostin Mahiga ayaa loogu hambalyeeyay madaxweynaha J.F.Soomaaliya oo shalay si buuxda ula wareegay xilkiisa.

Mahiiga ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG isla markaana ay yeelatay dowlad rasmi ah oo la aqoonsanyahay.

Mahiiga wuxuu xusay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu sii shaqeyn doono, isagoo madaxweynaha J.F.Soomaaliya ka taageeridoona dhinacyada ammaanka iyo xasilinta deegaannaada lagala wareegay shabaab iyo nidaamka caddaaladda.

Hadalkan ka soo baxay wakiilka Q.M. u qaabilsan Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maanlintii shalay uu madaxweynaha J.F.Somaaliya uu si buuxda xilkiisa ula wareegay kadib xaflad caleema saar iyo xilwareejin aheyd oo ka dhaqcday Muqdisho.

Sept. 17, 2012

RM.