Home > Muqdisho, WARARKA > Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacay Oo Gaystay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh (Sept.20,2012)

Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacay Oo Gaystay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh (Sept.20,2012)

Friday, September 21, 2012

Laaska News  Sept. 21, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho shalay maqribkii ay ku dhinteen dad gaaraya 16 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kabadan 20 qof oo hadda  lagu dawaynayo isbitaalada muqdisho.

.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ka dhaceen baar ay dadku ku badan yihiin oo lagu magacaabo Bar Village oo ku yaal aagga guriga hooyooyinka ee horrey u ahaan jirtay faras magaalaha.

.

Inkastoo oo aan qaraxyadan  faah faahin farabadan aan laga hayn haddan wararka qaar ayaa sheegaya in  dadka ku dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan wariyayaal iyo madax qaybeedyo ka tirsanaa radiaha & TV ga dawladda , wariyayaal kale oo ka hawl gali jiray warbaahinta muqdisho, sidoo kale qaar ka tirsan amniga iyo dad kale oo kusugnaa baarka.
.
Waxaa kale oo ay warar kaladuwan kasoo baxayaan noocyada ay qaraxyadu ahaayeen iyadoo dadka qaar ay sheegayaan qaraxyo ismiidaamin ah,  halka kuwa kalana ay sheegayaan inay la tahay wax la dhigay am ku soo dhacay.

.

Wakaaladaha wararka.