Home > Muqdisho > Somalia – Dhimashada Qaraxyadii Muqdisho Oo La Sheegay Inay Korodhay

Somalia – Dhimashada Qaraxyadii Muqdisho Oo La Sheegay Inay Korodhay

Friday, September 21, 2012

Laaska News  Sept. 21,  2012

Muqdisho-Qasaaraha ay gaysteen qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho shalay galinkii dambe (maqribadii) ayaa lagu soo waramayaa in dadka ku dhintay ay hadda korodhay oo ay gaadhay 27 qof, halka dhaawacana la sheegay inuu kabadan yahay 40 qof sidaana waxaa sheegay Wasiirka Caafimaadka Somalia Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf oo la hadlay VOA da.
.

Warka kusaabsan Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ka dhaceen Baar laga cunteeyo oo lagu magacaabo Bar village lana sheegay inuu kuna yaal guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho oo markii hore ay warar is khilaafsan kasoo baxayeen oo ay awal dadku marba wax ku sheegayeen (waa is qarxis iyo waa wax la dhigay iyo wax kusoo dhacay) ayaa hadda loo badinayaa inay qaraxyadaasi ahayeen qaraxyo ismiidaamin ah (oo is qarxis ah) sida ay  warbaahinta ka sheegeen dad sheegay inay halkaa ku dhaawacmeen ama ay joogeen.

.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in warka ku saabsan qaraxyadan iyo waxyeeladiisu uu isa soo tarayo  mar haddii wararka qaar ay sheegayaan in makhaayadda  ay waqtiga qaraxyadu dhacaeen ay ku sugnaayeen qiyaastii  dad kabadan 100 qof.

.

.

Maxamed Cali.

.

Related Articles:

Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacay Oo Gaystay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh (Sept.20,2012)