Home > WARARKA > Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Sheegay Inay Gaareen Deegaano U Dhaxeeya Balcad iyo Jawhar (Sept. 22, 2012)

Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Sheegay Inay Gaareen Deegaano U Dhaxeeya Balcad iyo Jawhar (Sept. 22, 2012)

Sunday, September 23, 2012

Laaska News  Sept 23,  2012

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ay shalay gaareen deegaanno u dhaxeeya balcad iyo Jawhar, ayna halkaasi kajirto dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo deegaanadaa.

.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin magaalada Jawhar ee xaruunta u ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, inkastoo haddana la sheegay inay  shalay usoo noqdeen Balcad oo ay cxalay ku hoydeen, sidaana waxaa sheegtay BBC da

.

Waxaa kale oo  ay warbaahintu  sheegtay oo soo xiganaysa ciidamada dawladda kuwa AMISOM in uu jiray hawl gal lagu soo kaxaynayay ciidamo isasoo dhiibay iyo dad lafahooda ubaqay.

.

Halka warar kalana ay sheegayaan in dadkaa  loo kala garan la’yahay inay isasoo dhiiban iyo inay  yihiin dad nabadgalyo u soo cararay iyo inay yihiin maleeshiyo Beeleed.

.

Warbaahinta dawladda ayaa iyadu sheegtay in ciidamo dhawr boqol ah ay isa soo dhiibin.

.

Majiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya dadkaasi waxa ay ahaayeen,waxaase muuqata in uu jiso dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareenay deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Jawhar.

.

Dinaca kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoobadanaya dilalka qorshaysan waxaana la sheegay in  slay maqriibkii  lagu dilay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mustafe Macalin oo soddog u ah Madaxweynihii kore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

.

Sidoo kale waxaa la sheegay oo ay BBC du sheegtay in isla waqtiyada (maqribkii shalay) lagu dilay qof dumar ah degnada Hodon ee magaalada Muqdisho.

.

Waxaa kale oo la sheegay inay garab socoto  hawlgalo iyo baaris ay wadaan ciidamadu,waxaase muuqata inay adagtahay in lays kala garto, maadaama aanay jirin cid falalkaas os xig xiga loo qabtay ee maalmahan dambe isasoo tarayay.

.

Maxamed Cali

.

Laaska News