Home > WARARKA > Dad Rayad Ah Oo La Shageeya in Ciidanka Kenya Ku Dileen Deegaanka Janaay Cabdalle Oo Kenya Ka Hadashay

Dad Rayad Ah Oo La Shageeya in Ciidanka Kenya Ku Dileen Deegaanka Janaay Cabdalle Oo Kenya Ka Hadashay

Tuesday, September 25, 2012

Laaska News  Sept. 25,  2012
Wararka ka imanaya deegaanada Koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in dad rayad ah oo xoolo dhaqato ah oo kusugnaa deegaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalle oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ay ciidamada kenya ee ka tirsan ciidamada huwanka ah ee dagaalka kaga jira aagga J/Hoose ay axaddii ( Sept. 23) ku dileen dad reer guuraa ah ama xoolo dhaqato ah oo la sheegay inay ahaayeen dad rayad ah oo aan hubaysnayn, qaar kalana ku dhaawacaeen, warkaas oo si xoog leh usoo baxay lagana sheegay warbaahinta.

.

Dadkan xoola dhaqatada ah oo loo malaynayo inay meel uga gabanayeen xabadda iyo colaadda kasocota deegaanada ayaa la sheegay in halkaa lagu dilay 6 kamid ah oo rag ah,halka 3 kalana usoo gaaray dhaawac halis ah sida ay ehelada dadkaas oo kahadlay idaacadaha ay sheegeen inay qabaan dhaawax halis ah.
.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in 6 qof oo dadkaas ah ay askartoodu dishay oo uu falkaa gaystay askari kamid ah ciidan uu sheegay inay meel difaac kaga jireen,isagoo raaciyay in galinkii horena ay aagagaas weerar ku qabsaday oo lagaga dhaawacay askari uu sheegay inuu dhaawacii u dhintay.
.
Waxa uu sheegay in askarigaa la joojiyay laguna samaynayo baaris,baaristaasina ay ka qayb qaadanayaan AMISOM, Ciidanka Dawladda, sidoo kale dad kasocda ehalada dadkaa.

Waxaad ka dhagaysan kartaa wararka laamaha af- soomaaliga ee  idaacadaha BBC da iyo VOA da oo ay ka waramayaan ehelada dadkaa  iyo dad kale oo kawaramaya dhacdadaas.

.

Deegaanada Jubooyinka mudaba waxaa ka socday dagaalo ay ciidamo huwan ah oo  isugu jira ciidamo kasocda Kenya iyo  Ciidan Soomaaliya ah oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidanka dawladda ay kula jiraan xarakada Shabaab oo ay doonayaan inay ka qabsadaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee ka tirsan  Jubooyinka ee ay ugu mudan tahay magaalada dekadda ah ee Kismaayo .

.

Waxaa horrey loo sheegay in deegaanadaas, gaar ahaan magaalada Kismayo ay dad badan oo rayad ah ay  kabaxeen magaalada, waxayna halis u yihiin in laysla jiiro.

.

Waxaannu laneehay haddii  miyi iyo magaalaba dadkii xabaddu kasimanto oo ay wada saamayso dhulkaa yaa dagi doono.

.

Waxaannu ku baaqaynaa in dadkaa xabadda laga joojiyi sababtoo ah haddii xabadii bilaabato nina ma koontarooli karo qofna dadkuna markaa waxay udhimanayaan siyaalo kala duwan.

.

Kenya warka ay sheegtayna hasugunine ee inta nool & maatada iyo caruuraha  xal u raadiya oo bad baadiya .

.

Laaska News

.

Related Articles:

Kenya Aamini Mayno, Shacabka Soomaaliyeed Ee Kismaayo Colaadda Iyo Qaxa Lagu Wadona Lagama Aamusi Karo