Home > WARARKA > Somalia – Dad Rayad Ah Oo Ku Dhintay Rasaas La Sheegay Inay Laba Ciidan Iskurideen

Somalia – Dad Rayad Ah Oo Ku Dhintay Rasaas La Sheegay Inay Laba Ciidan Iskurideen

Tuesday, September 25, 2012

Laaska News  Sept. 25, 2012

Muqdisho -, Sept.24 -Israsaasayn dhexmartay Laba ciidan oo kawada tirsan ciidanka dawladda ayaa la sheegay inay ku dhinteen 4 qof, kuna dhaawacmeen 3 kale kadib markii ay rasaastaasi haleeshay mid kamid ah gaadiidka isaga dhex goosha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo degmada Afgooye.

.

Waxaa la sheegay in is-rasaasayntani ay ku timid kadib markii laba ciidan oo kawada tirsan ciidanka dawladda oo isgaran waayay ay rasaas is ku rideen si khalad ah.

.
Ciidamadaas ayaa la sheegay inuu midi ahaa ciidan waheliyay ama galbinayay hay’ad la sheegay inay hawlo samafal ah kawaday deegaanka Carbiska , halka ka kalana la sheegay inuu ahaa ciidamo deegaanka falku ka dhacay ku sugnaa.

.

BBC