Home > WARARKA > Muqdisho Oo Magacaabis PM Ugu Dabaal Dagtay Rasaas Madaxtooyada Oo Beenisay,Xukuumadda Oo Ka Digtay Ridista Rasaasta

Muqdisho Oo Magacaabis PM Ugu Dabaal Dagtay Rasaas Madaxtooyada Oo Beenisay,Xukuumadda Oo Ka Digtay Ridista Rasaasta

Wednesday, September 26, 2012

Laaska News  Sept. 26,  2012

Muqdisho -iyadoo ay shacabka Soomaaliyeed ay dhegaha u taagayaan shaksiga uu noqonqyo PM dalka ee uu ku dhawaaqi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wararka lahga helayo caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku soo waramaya in Muqdisho looga dabaaldagay magacaabis Ra’iisal Wasaare oo ay shacabku maqleen in la magacaabay, rasaas dabaal deg ahna ay ciidamadu rideen Sept.25, 2012.

.

Waxaase arrintaa ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada soomaaliya oo ka hadlay warbaahinta qaranka ka sheegay inaysan jirin wax war ah oo rasmi ah ama aan rasmi ahayn haba yaraatee oo madaxtooyada Qaranka ka soo baxay ama wareegto ah oo lagu magacaabay Ra’iisal Wasaare.

.
Waxa uu sheegay inaysan jirin Wax go’aan ah oo kasoo baxay maadaxtooyada soomaaliya,warkaasuna sal iyo raad toona ma leh ayuu yidhi.
.
Waxa uu raaciyay in madaxweynuhu uu wali wado la tashiyo markii ay u haboonaatana uu soo bandhigi doono shakhsiga uu magacaabayo.
.
Waxa uu agaasimuhu kadigay rasaasta maalinimadii loo riday dabaaldegga magacaabistaa la maqlay oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho.

.

Dhinaca kale wasiirada Amniga ayaa sidoo kale kahadlay rasaasta lays ka riday oo ay sheegeen in keenayso khalkhal iyo dhex raacin.
.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in guuxaasi uu is dhaafay dal iyo dibadba oo warbaahintuna aysii weyn uga hadashay.
.

Waxaase la saadaalinayaa in saacadaha innagu soo socda lagu dhawawaaqo.

.
Waxaana su’aalo layska waydiinayaa khudbadda UN ka makasoo hor mari doontaa mise waa kadib dhaxcaysa oo isla asbuucan ayaa la magacaabi doonaa PM ka.

.

Laaska News