Home > Faallo > Muqdisho Ama Dawladnimo Keentay Ama Dalkii “Magan” U Kala Go’Go’ye Ee Yuusan Dhaafin Labada Gole

Muqdisho Ama Dawladnimo Keentay Ama Dalkii “Magan” U Kala Go’Go’ye Ee Yuusan Dhaafin Labada Gole

Wednesday, September 26, 2012

Laaska News  Sept. 26, 2012

Dalka Soomaaliya waa muqdisho,waxa u baahan in wax laga qabto oo ay hagaagtana waa muqdisho iyo inta ku nool, haddii intaasi hagaagtana Soomaaliya oo dhan baa hagaagaysa oo qaranimo Soomaaliyeed iyadaa ugu dhaw iyo nimaan soo gaadhi karin.
.

Inta kalana waxay marba marka ka dambaysa usii siqayayaan wadadii ay kaga go’i lahaayeen muqdisho,waxaana fure unoqday waxa ka dhacay ama kasocda Muqdisho,waxaanna arrinta qiil loo helay maalintii Muqdisho ay ogolaatay Federaalka.
.

Haddaba shacabka ku nool Muqdisho waxaa la gudbon inay nabad galyo iyo dawladnimo ay keenaan,caalamkana ay tustaan inay dalka caasimaddiisii tahay halkan Muqdisho, dawladda joogtana iyada wax laga weydiiyo Soomaaliya, oo aysan aqbalin dawladahan garab socda ee dalka Soomaaliya ka dhashay, haddii arrintaas uu caalamku joojin waayo waxaad ogaataan in intaasi ay aqoonsi haysto oo la aqoonsan yahay, adigana lagula doonayo aqoonsigaas oo kale !!!!!!!!!
.

Waxaannu leenahay haddii aanu nahay khubrada wax ka qorta dhacdooyinka iyo masiibooyinka, kana saadaalisa, waxaan idin kula talinaya haddaba inaad qaadataan Madaxweynaha, PM ka, Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka dhammaantood.

.

Maxaa yeelay?  Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay noqdeen dawlado, dawladahaas oo wada haysta aqoonsi, aqoonsiga ay haystaana uu yahay inay yihiin “Magan”.
.

Markaa shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba ninba meel ayuu magan ku yahay!

“Nin Magan ahna, cid kale magan galyo masiin karo”.

.

Somali ma’is ogtahay inay magan ku jirto, diyaarse  ma u tahay inay ka baxdo?