Home > Shirarka, SOMALI NEWS > New York – Somali PM Iyo Ban Ki-Moon Oo Shir Gudoomiyay Kulankii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Somalia

New York – Somali PM Iyo Ban Ki-Moon Oo Shir Gudoomiyay Kulankii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Somalia

Friday, September 28, 2012

Laaska News Sept. 28,  2012

New York – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Xooghaya Guud ee QM Baan Ki-Moon ayaa shir gudoominayey kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey Arimaha Soomaaliya waxaana shirkaas ka soo qayb galay Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Xoghayaha Arimaha dibada ee Maraykanka, Wasiirka Arimaha Dibabada ee Turkiga, Maxaweyne ku xigeenka Ugandha,Xoghayaha Arimaha Siyaasada ee Midowga Yurub iyo Madax kale oo faro badan,waxaana kulankaas dhanka Stellate oo Muuqaal ah uga qayb galay madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka gaarka ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya “Waxaana hada rabnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub si wixii soo khaldamay loo saxo dalkana loogu hogaamiyo hab ku dhisan cadaalad waxaan go’aansanay inaan dhisno Jamhuuriyadii sadexaad.waxaan hortiina ka xaqiijinayaa in maamulkayga cusub sanadaha soo socoda uu noqon doono mid ay ka muuqato isbadal la taaban karo,Waxaaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa beesha caalamka oo aan marnaba ka niyad jabin inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed oo mudo dhibaato ku soo jiray, waxaana dhawaan soo magacaabayaa Ra’iisul wasaare hogaamin doono dowlad faderal ah oo soo noolaysa kaabayashii dhaqaalaha, kala danbayntii iyo dib u soo celinta cadaaladda, waxaana maanta Soomaaliya ka jira isbadal dhab ah sidaas daraadeed aduunkuna waa inuu badalo fikirkii ay ka haysteen Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kal Xooghaya Guud ee QM Ban-ki-Moon ayaa sheegay in hirgalintii  Raod map-ka ee ay ka dhalatay in Soomaaliya maanta leedahay Baarlaamaan Federal ah si dimuquraadiyad ahna loo soo dooratay madaxweyanaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud, Ban-ki-moon ayaa sheegay in Processkii Road map-ka oo dalka ka saaray KMG inuu ah mid ay u dhamayd dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaalida,  si looga dhabeeyo isbadalka siyaasadeed ee maanta kajira Soomaaliya waxaan qaban qaabinaynaa in bisha October la qaban doono shir ay isugu imaanaya hogaanka Soomaliya, UN, iyo AU kaas oo dib u eegis lagu samayn doono qaabkii ay u wada shaqayn jireen UN iyo Somaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirka soo xiray waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadaadii horumarka  kadib markii lagu guulaystay in dalka laga saaro KMG, Soomaaliya maanta waxay leedahay dowlad Rasmi waxaana caalamka looga fadhiyaa in uu dowladda cusub ee Soomaaliya ka taageeraan sidii loo hor marin lahaa arimaha bulshada, nabad galyada iyo dhaqaalaha.

.

27  September 2012

RM  (Codka J S)