Home > SOMALI NEWS > Somali News – “Floods in Baladweyne” Roobab,Daad Iyo Wabiga Oo Ku Fatahay,Dhimasho,Codsi Gurmad Deg Deg Ah

Somali News – “Floods in Baladweyne” Roobab,Daad Iyo Wabiga Oo Ku Fatahay,Dhimasho,Codsi Gurmad Deg Deg Ah

Saturday, September 29, 2012

Laaska News Sept. 29, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada baladweyne iyo nawaaxigiisa ay waxyeelo kasoo gaadhay dadkii, guryahoodii iyo hantidii ay haysteen intaba ,waxaana la sheegay in dadka qaarkood ay u baxeen dhulka joogga sare leh iyo buuralayda, waxaana lagu soo waramayaa in dad toboneeyo ah ay wax yeelo kasoo gaadhay oo ay halkaa ay ku geeriyoodeen.

.

Arrintan ayaa timid kadib markii roobab xooggaan oo ku dhawaad 7 saacadood socday ay halkaas ka da’een.
.

Waxaa taa raaca wabigii shabeelle oo karkaarada jabiyay oo sameeyay fatahaad xooggan oo ku darsamay roobkii iyo daadkii halkaa ka da’ay.

.
Waxay dadkaasi cidsanayaan in loo soo gurmado.

.
Waxaannu ku baaqaynaa in caalamku gurmad deg deg ah gaarsiiyo shacabkaa Soomaaliyeed ee ay hafiyeen daadka, guri la’aanta iyo diboodka.

.

Laaska News