Home > SOMALI NEWS > Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kasoo Laabtay Socdaalkii 1 aad

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kasoo Laabtay Socdaalkii 1 aad

Tuesday, October 2, 2012

Laaska News 2 Oct.2012.

Mogadishu, Oct.1 (LNA)- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii uu maanta socdaal ku tagay magaala madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo.

.

Magaalada Baydhabo “Janaayo” ayaa noqotay magaaladii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu socdaal ku tago dal iyo dibadba tan iyo markii la doortay 10 kii Sept. 2012.

 
.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen xubno katirsan Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale,laguna soo dhaweeyay Gagida dayuuradaha ee magaalada Baydhabo sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka.
.

.

Madaxweyne Xasan intii joogay magaalada Baydhabo waxa la sheegay inuu kulamo la qaatay waxgaradka, masuuliyiinta Gobolka iyo saraakiisha ciidamada ee kusugan deegaankaa.

 

.

Laaska News.

https://laaska.wordpress.com