Home > SOMALI NEWS > Baladweyne – Qasaaraha Daadadka Iyo Fatahaadda Oo Korodhay Iyo Caalamkii Oo Dhagaha Furaystay

Baladweyne – Qasaaraha Daadadka Iyo Fatahaadda Oo Korodhay Iyo Caalamkii Oo Dhagaha Furaystay

Wednesday, October 3, 2012

Laaska News 3 Oct. 2012

Qasaaraha ay gaysteen daadadka iyo fatahaadda ayaa la sheegay inay korodhay oo ay halkaas dad badani ku dhinteen sida laga soo xigtay waxgaradka iyo masuuliyiinta gobolkaa,waxayna dadkaasi dalbanayaan in gargaar lala soo gaaro,waxaana muuqata in laga gaabiyay oo caalamkuna dhagaha ka furaystay, Soomaalida waxaan ugu baaqaynaa inaysan caalamka sugin ee loo gurnadi dadkaa,inta aysan deegaanada aysan ka dilaacin xanuuno iyo wax yeelo hor leh.
.

Magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa dhawaan ka da’ay roobab xooggan oo saacado badan socday,waxaana ka dhashay daadad farabadan,waxaana u raacay fatahaad uu keenay wabiga shabeelle ee mara magaalada dhexdeeda iyo tuulooyin u dhaw dhaw.
.

waxaana la sheegay inay kumaan kun qof oo magaalada iyo nawaaxigeeda deganaa ay u cararaan dhulka sare,taagaga iyo buuraleyda ku xeeran magaalada,in kastoo aan tiro sugan aan laga ogeyn dadka ku wax yeeloobay ee uu qasaarahu kasoo gaadhay daadadka iyo fatahaaddaa haddana wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhay 30 qof,halka warar kale oo laga helay masuuliyiinta deegaankaa oo la hadlay warbaahinta ay ku qiyaaseen ilaa 60 qof.

.

Waxaa kale oo la sheegay in dadkaasi wixii ay xoolo haysteen ee deegaanadaa ku sugnaa ay daadku qaadeen.

.

 

Laaska News

https://laaska.wordpress.com