Home > SOMALI NEWS > Kismayo – Ciidamada Huwanka Ah Oo Lasheegay Inay Gudaha Ugaleen Oo Dhawr Gobood Kadageen

Kismayo – Ciidamada Huwanka Ah Oo Lasheegay Inay Gudaha Ugaleen Oo Dhawr Gobood Kadageen

Wednesday, October 3, 2012

Laaska News 3 October 2012

Wararka laga helayo magaalada Kismayo ee magaala madaxda Gobolka J/Hoose ayaa kusoo warmaya in ciidamada huwanka ah ay maanta si xoog leh usoo galeen oo lagu arkay magaalada ayna dhawr meelood ka dageen magaaladaa,waxaana la sheegay in wali shacabka magaalada ay ka muuqato feejignaan iyo in wali uu yar yahay dhaqdhaqaaqu ayna dadka intooda badani ay guryahooda ku sugan yihiin.

.
Inkastoo magaalada Kismaayo ee xaruunta u ah Gobolka J/hoose warkeedu uu kooban yahay,  sida wax uga dhaceen iyo kabixitaankii xarakada shabaab ee gacanta ku haysay muddo magaalada,haddana tan iyo waqtigaa waxaa wararka kasoo baxaya halkaa ay sheegayaan ama laga dhadhan-sanayaa in afka iyo cagtuba ay gaaban tahay.
.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa maalmaha soosocda la filayaa in warka magaalada Kismayo si fiican loo helo iyo wixii isbadal ah oo kasoo kordha halkaa.
.

 

Laaska News

 

https://laaska.wordpress.com