Home > Faallo > Caqabadaha Horyaal PM Saacid Iyo Su’aalo taagan

Caqabadaha Horyaal PM Saacid Iyo Su’aalo taagan

Sunday, October 7, 2012

Laaska News  7  Octobar 2012
PM. Saacid Faarax-Garaad oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr.Xasan Shiikh Maxamuud uu u magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya galabnimadii 6 dii Oktoobar 2012 ayaa waxaa horyaala caqabado hor leh oo qaarkood aysan mas’uuliyiinyii ka horreysay aysan la kulmin, waxaan haddaba rabnaa inaannu hab gaar ah oo ubaahan habab kale inaannu ku gaarsiino PM ka iyo intii kale oo laga sugayo inay wax kaqabtaan dhibaatooyinka dalka ka jira iyo kuwa hadda soo foodsaaray iyo kuwo hor leh oo ay dadka daahiyiinyta ah ay dareensan yihiin halkaa ay in badan oo dadka kale kamid ah aysan u muuqan waxyaalahaas.

.

Haddaba mudane Saacid waxaannu leenahay waxaa ku horyaal caqabado waaweyn iyo jid dheer oo uu dhisme ku socdo islamarkaana qalabkiisii iyo shaqaalihiisana laga keeno dibadda,halka labadaba laga helo dalka gudihiisa,sidoo kalana aan laguu ogolayn  inaad keensatatid ama aad ka noqotaan wadada injineero.

.

Waxaa PM ka hor yaala oo laga doonayaa inuu keeno sambuus afar gees leh oo aan isku oolin wax yarna iska haysta oo la sheegay inuu dalka yaalo,hase yeeshee ka dalka yaala waa mid saddex gees leh,soomaaliduna maba taqaan midka afarta gees leh.
.

Waxaase cajiib ah sidii rag hore markuu PM ku keeno mid 3 gees leh,in lagu diido,hadduu  meel dhigo oo uu ciddii lagu ogaa inay ilaaliso uga tago, oo uu raadiyo siduu u heli lahaa  bal mid afar gees leh, kadibna markuu meel malba maro oo uu waayo uu dib igu soo noqdo qolodii hore ee uu uga tagay sambuuska,dabadeedna uu halkaa kala kulmo sambuuskii oo dhinaca iyo caluusha lagala baxay,sidoo kalana geesna laga goostay!!!!!

.
Haddaba wax is weydiin leh:
.

PM Saacid maku adkaysan doonaa inuu yidhaahdo war dalkaygaa labadaba laga helaa waa “qalabka wadada iyo shaqaalaha e?

Sidoo kalana uu yidhaahdo injineero kuwaygii baa dal iyo dibad ba dhooban?

.

Mudanayaasha Baarlamaankuse ma ku taageer doonaan oo maka hor tagi doonaan dilaalada dala iyo dibad,sokeeye iyo shisheeyaba leh?

.

PM Saacid ma heli doonaa cid u ilaalisa sambuuska inta uu baadi goobka ugu jiro ee uu raadinayo mid afar gees leh?

.

Mase noqon doonaa Dr. Saacid oo ah Wasiirka 1aad ee dalka inuu ku adkaysto oo uu yidhaahdo war dalkayga sambuus afar gees leh ka heli maysaane,sanbuuskayaga saddexda gees leh yaan nalaka cunin?

.

Waxay ubadan taghay haddii PM  Saacid uusan u dabranayn dalka Kenya, uuna garab ka helo nus dadka soomaaliyeed ah uu ku guulaysanayo uuna ka gun gaarayi hadafkiisa!!!!!!!!!

.

Bal haddaba Soomaaliyay qoraalkan sidaad doontaan u fasirta oo bal gaarsiiya PM ka in ta aan wafuuddo dal iyo dibad  is dhaafin!!!

Laaska News.

%d bloggers like this: