Home > Faallo > PM Saacid Faarax-Garaad Iyo Ardaynimadii

PM Saacid Faarax-Garaad Iyo Ardaynimadii

Sunday, October 7, 2012

Laaska News   7, October  2012      Update

PM. Cabdi Farax Shirdon? Waa laguu yaqaan “waa halkii reer mudug-gee” Dr. Saacid Faarax-Garaad Shirdoon waxa uu kasoo jeedaa qoys aad looga yaqaanay dhulkii horrey loo oran jiray Ximan iyo wixii ciid uga rogan,qoyskaas oo ahaa qoys talo qabeenno ah, waxayna intii gayiga Soomaaliyeed uu isku rogay magaalooyinkana magaalo u ahayd degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

.
Ardaynimadiisii wuxuu ahaa arday aad u akhlaaq badan oo aad u afgaaban,waxbarashadana aad ugu wanaagsan.

.

sidaa waxaa sheegay aqoon yahan soomaaliyeed oo aqoon fiican uleh yaraantii PM ka la doortay ee Saacid Farax- Garaad,  sidoo kalana  aqoon fiican oo kusiman ilaa yaroontoodiina u leh rag uu kamid yahay  PM Gaas iyo rag kamid ahaa golihiisa wasiirada, qaarkoodna ayba  isku fasal ahaayeen.
.

PM Dr. Sacad, waxa uu yaraantaasii waqti kunoolaa oo uu arday ka ahaa magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Magaalada Dhuusamareeb waa magaalada indhawayd badashay magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ee sida lagu hayo taariikhda ay kasoo baxeen in badan oo ka mid ahayd madaxdii sare ee dawladihii hore ee Soomaaliya,  gaar ahaan “Koonfurta”,  sidoo kalana ay ku barbaareen, waxna ku barteen ayna kasoo baxeen Aqoon yahanno badan, siyaasiyiin, iyo saraakiil sare oo hormood u ahaa ciidamadii dalka Soomaaliya.

.

Ragga ku soo barbaaray, ama ku dhashay ama waqti nolashiisa kamid ah kusoo qaatay magaalada Baladweyne ee xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ama caan noqday waxaana kamid ahaa (AHUN) Madaxweynihii u horreeyaya ee Soomaaliya Adan Cabdille Cismaan.

.

Inta kale idinkoo raali ah u qaata “Shaqo Guri”!

.

Mr.Faarax-Garaad (Saacid) waxay yaraantoodii ay isku magaalo iyo ardaynimadaba isku soo gaareen rag aan hadda ka xusuusto  PM Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Cabdiwaaxid Cilmi Goon Jeex oo ka mid ah TFG dii hore (PM -kuxigeen), Cabdisamad Macalin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Wasiirkii Maaliyadda ee TFG da Mr. Garjeex.

.

Mr. Sacad  waxa uu waqti dhexe oo dabayaaqadii todobaatanaadkii ahayd u wareegay Muqdisho oo uu waxbarashadiisii sare kasii watay markii dambana waxa uu galay oo kasoo qalin jabiyay kulliyaddii Dhaqaalaha ee SNU.

.

PM.  Sacad waxa uu ahaa nin aad u ixtiraami jiray macaariiftii hore, asxaabtiisi, iyo ardadiisi dhammaantood.

.

Xilka qaran ee PM ka ah ee loo magacaabay waxa uu aqoonyahankaas warbixinta nasiiyay uu sheegay inuu mas’uuliyadda ka adag yahay uuna ku barbaaray xilkasnimo.

.

 

Aqoon yahankaasi waxa uu sheegay in caqabado badani ay hor yaaliin, oo ayna ugu horreyso Kenya iyo colaadda Kismaayo!!!!!!!!!

.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay  ku adkaan doonto sida uu uga leexan lahaa wadadii Soomaaliya lagu wadayaday ee kor maamulka ahayd.

.

 

Waxa uu kusoo gabagabeeyay saaxiibkay saacid “dhago Libaax ayaa loo dhiibay” oo  waliba hadda uu caalamkii banaanka isa soo dhigay.

.

Waxa uu kusoo  xidhay Hambalyo xilka “Qaran ee laguu magacaabay”.

.

Waxa uu ugu baaqay inuu badbaadiyo dhulka  iyo dhiigga Soomaaliyeed, uuna dhiso ciidan qaran waa haddii aad rabtid in aad mustaqbalka aad kusii jirtid siyaasadda, sidoo kalana magac kaaharo.

.

 

Laaska News

Tags: ,
%d bloggers like this: