Home > Som Presid > PRESIDENT HASSAN OO “MAALINTA XORRIYADDA” UGANDA KALA QAYB GALAY, LANA KULMAY ‘DHIGGIISA KENYA,UGANDA’ IYO JAALIYADDA

PRESIDENT HASSAN OO “MAALINTA XORRIYADDA” UGANDA KALA QAYB GALAY, LANA KULMAY ‘DHIGGIISA KENYA,UGANDA’ IYO JAALIYADDA

Wednesday, October 10, 2012

Laaska News  10 Oct. 2012

KAMPALA -Madaxweymaha JFS  Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada kampala ee dalka Uganda ayaa kaqayb galay dabaaldegga maalinta xorriyadda ee Dalka Uganda,kulamana la qaatay Madxweynaha dalka kenya,Uganda, sidoo kalana la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kusugan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal rasmi ah kutagay dalka Uganda 8 dii bishan, wuxayna Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisu 9 kii Okt. magaalada Kampala kaga qayb galeen xuska maalinta xorriyadda ee dalka Uganda.
.

9 kii Ohtoober 2012, dalka Uganda wuxay u dabaal dagay maalinta xorriyadda iyo sanadguuradii 50 aad ee kasoo wareegaty markii uu dalka Uganda xorriyadda ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska oo ku beegan  9 ka Oktoobar. Dabaal deggaas oo ka dhacay fagaaraha weyn ee ku yaal caasimadda dalkaas ee Kampala.
.

Dalka Uganda wuxuu gumaysigii Ingiriiska ka xoroobay  oo uu xornimadiisa  ka helay  9 kii Oktoobar 1962.

.

Waxaa xusid mudan in dalka Soomaaliya uu kamid ahaa waqtigaa dawladihii fara ku tiriska ahaa ee  safka hore kaga jiray ololaha xoraynta  dalalka iyo shucuubta la gumaysto ee Uganda  iyo in badan Afrika  ah ay kamid ahaayeen iyo waliba  dadyaw kale oo qaaradaha kale adduunka ku nool.
.

Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay kaqayb galeen dhawr iyo toban madaxda dalalka Afrika ah iyo sidoo kale madax iyo diblomaasiyiin kale oo kasocda caalamka.
Dhinaca Soomaaliyana waxaa uga qayb galay Madaxweynaha JFD Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo.

.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Haasan Sheikh Mohamud oo ku jooga socdaal rasmi ah dalka Uganda ayaa socdaalkani noqonayaa socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan uu ku tago dalka dibaddiisa tan iyo markii uu la wareegay xafiiska.

.
Booqashada Madaxweynaha inkastoo aan la shaacin inta ay qaadan doonto, socdaalkiisa rasmiga ah ee uu ku joogi doono dalka Uganda iyo inuu meelo kale uga sii gudbi doono ayaa haddana  lagu soo waramayaa in madaxweyne Xasan si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Uganda, sidoo kalana uu kulamo gaar gaar ah la leeyahay madaxda dalkaas iyo madaxda kale qaarkood ee kasoo qayb gashay munaasabaddaa.
.

Madaxweynaha Somalia oo Kulan la qaatay Dhiggiisa Uganda.
.

Madaxweynha Soomaaliya Oo Kampala kuLa Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

.

Madaxweynaha J F soomaaliya Md.Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Kampala jaaliyadda soomaaliyeed ee kusugan dalkaas.

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala Kula  Kulmay Madaxweynaha Kenya.
.

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya shalay oo bishu ahayd 9 kii Oktoobar 2012.

Tags: