Archive

Archive for the ‘PUNTLAND’ Category

Puntland Oo Golaheeda Wasiirada Wax Ka Badashay, Magacaabis, Xilkaqaadis (Akhri Liiska)

Sunday, September 16, 2012 Comments off

Laaska News.

Garowe–  (Sept. 15) -Waxaa lagusoo waramayaa in Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole) uu isbadal,isku shaandhayn, magacaabis iyo xilkaqaadis kusameeyay Golihiisa wasiirada ee xukuumadda Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sida lagu sheegay wareegto qoraal ah oo kasoo baxday madaxtooyada oo ku astaysan xeer Lr. 96 kuna taariikhaysan Sept.15, 2012,lana gaarsiiyay warbaahinta. Read more…

Baargaal Oo Siweyn Looga Xusey Munaasabada 14 – Guuradii Kasoo Wareegtey Aasaaska Puntland – SAWIRRO

Friday, August 3, 2012 Comments off

Laaska News August 3,2012

Baargaal, (Aug.1)- Waxaa Degmada Baargaal ee Gobolka Bari si weyn looga xusey munaasabadda 14 guuradii ka soo wareegtey aasaaska Puntland iyadoo dadweyne aad u tiro badan iyo mas’uuliyiin ay ka soo qeyb galeen dabaal daggaas oo siweyn loo soo agaasimey. Read more…

Urur Cusub Oo Degaanka Baargaal Looga Dhawaaqay + SAWIRRO

Thursday, August 2, 2012 Comments off

Laaska News  August  2,  2012

Baargaal – Waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay Degaanka Baargaal urur cusub oo magaciisa marka lasoo gaabiyo la yiraahdo “ACDO”  (Action Community for Development Organization)  ururkan oo ka shaqayn doona arrimaha bulshada sida wax barashada, daryeelka caafimaadka , ka shaqaynta deegaanka Baargaal iyo Nawaaxigeeda ,  horumarinta dalka iyo kobcinta garaadka dhalinyarada oo waqtigan u baahan in dhinacyo badan laga baraarujiyo. Read more…

Somalia – Dastuur Cusub Oo Ergooyin U Ansaxiyeen Puntland

Wednesday, April 18, 2012 Comments off

Laaska News Apr. 18, 2012

Garowe – Apr.18.Wararka ka imanaya magaalada xarunta u ah Puntland ee Garowe ayaa ku waramaya in maanta lagu ansixiyay dastuur cusub oo uu yeelanayo Maamulka Puntland,kadib markii ergooyin laga soo xulay Read more…

Da’ud Bisinle Oo Jawaab Kabixiyay Hadalkii Badheedhka Ahaa Ee Prof. Galaydh Ee Guddiyada Wadahadalka TFG Iyo SL

Wednesday, April 18, 2012 Comments off

Laaska News Apr. 18, 2012
Apr.17 (LN) -Wasiirka Qorshaynta Puntland Da’uud Maxamed Cumar (Da’uud Bisinle) oo wareysi siiyay laanta sf-Soomaaliga ah ee idaacadda BBCda ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay Prof. Cali Khaliif Galeydh mar uu dhawaan idaacadda BBC da wareysi siiyay oo uu Read more…

Duqayn Diyaaradeed Oo Laga Soo Sheegay Gumbax,Baargaal

Tuesday, April 17, 2012 Comments off

Laaska News  Apr. 17, 2012

Waxaa lagu soo waramayaa in dayaarado dagaal oo aan haybtooda lagaranayn ay duqeyn ugeysteen habeenimadii xalay deegaanka Gumbax oo ka tirsan degmada Baargaal, Gobolka Bari. Read more…

Caliyaw (Galeydh) Maxaad Qoonsatay? – Waraysi Xasaasi ah

Monday, April 16, 2012 Comments off

Laaska News Apr. 16, 2012
Sida lawada ogsoon yahay waxa dhawaan xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Somaliland ay magacaabeen guddiyo uga qayb galaya wadahadalka lagu wado inay dhawaan yeeshaan,waxaana indhawayd lays weydiinayay waxa laga wada hadlayo,cidda leh inay wada hadlaan. Read more…

Taarikh Nololeedkii (AUN) Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf, Talo Ku Wajahan Beesha Xuseen Talareer,iyo Dawladda Puntland

Wednesday, March 14, 2012 Comments off

By:Maxamed Samatar Yuusuf Garabyare

Allah Ha unaxariistee wuxuu marxuum Bille Maxamuud Yuusuf garabyare dhashay 1952dii, wuxuuna ku dhashay magaalada Xaabbo ee Degmada Caluula.

Wuxuu booliska soomaaliya qortay 1975tii.
Waxa uu ka soo shaqeeyay gobolada soomaaliya intooda Read more…

Ra’isal Wasaare Cabdiwali Oo Ka Dagey Garoowe.

Wednesday, February 15, 2012 Comments off

Garowe -Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas ayaa  socdaal ku tagay caasimadda  Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed Puntland ee Garoowe,14/2/2012. Read more…

Baargaal:Xildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Duleedka

Saturday, January 28, 2012 Comments off

Laaska News  Jan 28, 2012

Wararka laga helayo magaalada Baargaal ayaa kusoo waramaya in shalay galabtii waqti gaaban ay dabley hubaysani ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabi jiray Bile Maxamuud Yuusuf xilli uu sii galayay magaalada Baargaal meel aan ka fogayn togga Baargaal . Read more…