Archive

Posts Tagged ‘Guddiga Doorashada’

Murashax Shiikh Shariif Oo Casuumad Ku Qabtay Muqdisho,Afhayeenkii Hore Ee Baarlamaanka Oo Taageeray

Sunday, September 9, 2012 Comments off

Muqdisho -Sept.9 (LN) -Waxaa lagu soo waramaya in murashax Shariif Sheekh Axmed (Madaxweynaha Somaliya) uu maanta casuumad ballaaran oo si weyn loo soo qaban qaabiyay uu ku qabtay hotel Palaasa ee magaalada Muqdisho, munaasabadaasna ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin ay kamid yihiin afhayeenkii hore ee baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Adan,R/wasaarihii hore ee Prof. Geedi,Wasiiro TFG da ah oo laga magacaabay Wasiirka A.Gudaha , Wasiirkii Gaashaandhigga,mudanayaal , siyaasiyiin kale. Read more…

Advertisements

Somalia -15 Musharax Oo Qorshahooda Hogaamin Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.8,2012)

Sunday, September 9, 2012 Comments off

Update:Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. (Waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada uu na ka sheegay baarlamaanka hortiisa).

Muqdisho, Sept.8 (LN)-Waxaa lasoo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya hogaaminta dalka Soomaaliya ay ka hor jeedinayeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhiyo ku yeeshay magaalada Muqdisho (7 & 8 ) Sept.2012. Read more…

Somalia – 10 Musharax Oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka (Sept.7,2012)

Saturday, September 8, 2012 Comments off

Muqdisho, Sept.7 (LN)-Iyadoo lagu wado in doorashada madaxweynaha Soomaaliya laqabto tobanka bishan oo ay ka dhacdo magaalada muqdisho islamarkaana ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay cod qarsoodi ah ay ku doortaan cidda noqonaysa madaxweynaha Somalia, kana doortaan 25 ka murashax ee kasoo baxay shuruudihii doorashada ayaa baarlamaanku bilaabay galabta (Sept.7, 2012) dhagaysiga khudbadaha Murashaxiinta. Read more…

Somalia -Liiska Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Somalia Oo Guddiga Doorashadu Ku Dhawaaqay (Sept. 6, 2012)

Thursday, September 6, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 6,  2012

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa caawa soo saaray musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,musharaxiintaas oo buuxiyay shuruudihii doorashada ee uu soo jeediyay guddiga doorashada,waxayna tiradoodu tahay 25 musharax. Read more…

Somalia Election – Musharaxiin Buuxiyay Shuruudaha Doorashada Oo Magacyadooda La sheegay ( Sept. 5, 2012)

Wednesday, September 5, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 5,   2012
Murashax (Farmajo, Baadiyaw,Caddaw,Gaas,Goonjeex).

Muqdisho – Waxaa lagu soo waramaya in murashaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee is diwaan galiyanaya ay tiradoodu isa soo tarayso tiradoodu,in kastoo aan la gaadhin waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay ku egtahay diiwaan galinta iyo buuxinta foomam ka ee shuruudaha murashaxnimo, haddana waxaa soo baxay oo ay warbaahintu heshay magacyada dhawr murashax kuwaas oo la sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii murashaxnimo ee ay soo jeediyeen guddiga doorashada dalka. Read more…

Somalia Election 2012:Qaylo Kama Yeerin Guddiga Doorashada,Codsiyada Murashaxiinta Plus,Qabashada Oo Ku’eg Sept.6

Wednesday, September 5, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 5, 2 012

Muqdisho – Wararka ka imanaya caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku soo waramaya in guddiga doorashada ee ku hawlan qabanqaabada doorashada madaxtinimada dalka ay wadaan qabashada codsiyada, diiwaangalinta,bixinta iyo qabashada foomamka ee murashixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha oo lagu wado in la qabto 10 ka Sept.2012.Shaqada guddigaasina ay u socoto si wanaagasan iyadoo ay isa soo tarayaan tirada murashaxiinta ee qaadanaysa foomamka.Guddiga doorashada ayaa horrey u sheegay in qabashada codsiyadu ay socon doonto 3-6 Sept. Read more…

Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay

Monday, September 3, 2012 Comments off

Laaska News  Sept . 3,   2012

Muqdisho – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay maanta bilaabeen qabashada codsiyada iyo diiwaangalinta musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo lagu wado inay dalka ka dhacdo todobaadka dambe Read more…

Somalia – Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Qodobka Ah In “Murashaxa Madaxweynaha Uu Haysto Codka 20 Mudane”

Sunday, September 2, 2012 Comments off

Muqdisho,  Sept. 2 (LN) –  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan fadhi ah ku yeeshay maanta xarunta Golaha Shacabka ee caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa dood ka yeeshay ajandayaal dhawr ah,qaarkoodna go’aan ka gaadhay sida qodobkii ahaa cidda u tartamaysa madaxtinimada dalka inuu la yimaado codka kalsoonida 20 xildhibaan, waxaana lagu soo waramayaa in qodobkaasi uu waayay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd, balse uu ka cod batay qodob kale oo uu helay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd kadib markii mudanayaashu ay cod u qaadeen. Read more…

Somalia -Shuruudaha Laga Doonayo Cidda U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo La Sheegay

Saturday, September 1, 2012 Comments off

Laaska News    Sept.  1,  2012

Muqdisho, Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Shuruudaha laga doonayo qofka  (musharaxa) u tartamaya xilka Madaxweynaha J.Soomaaliya, kadib markii ay Guddigu kulan ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho.Guddiga ayaa sidoo kale  maalintii shalay sheegay in doorashadu  Madaxweynaha ay dhacayso 9 sept. 2012. Read more…

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo La Ansixiyay Iyo Haweenka Baarlamaanka Oo Sameeyay Ricord Cusub

Friday, August 31, 2012 Comments off

Laaska News August  31,   2012

Muqsisho, Aug.30 -Iyadoo lagu wado doorashada madaxtinimada dalka in lagu qabto muddo toban cisho gudahood ah ayaa mudanayaasha Baarlamaanka cusub fadhi ay ku yeesheen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku ansixiyeen guddi doorasho oo ka kooban 15 xubnood oo lagu xulay habka 4.5 (H%), waxaana guddigaas saacadaha innagu soo fool leh laga filayaa inay ku dhawaaqaan shuruudaha laga doonayo musharaxa u tartamaya doorashada,  mudada qabashada araajid & goorta laqabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Read more…