Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, TFG Somalia > Galdogob:Nabadoon Cambaareeyay hadalkii Faroole ee ahaa Wasiirada nama matalan

Galdogob:Nabadoon Cambaareeyay hadalkii Faroole ee ahaa Wasiirada nama matalan

Wednesday, November 17, 2010

Goldogob(Laaska News).

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Galdogob ayaa sheegaya in Nabadoon la yiraahdo Cali Salaad Cilmi oo kasoo jeeda Goldogob ayaa cambaareeyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Wasiirada cusub nama matalaan ee waxaa magacawday Sh.Shariif(Laba wasiir oo ka soo kala jeeda Goldogob iyo Buuhoodle nama matalaan),arritaas oo uu nabadoonku waraysi uu VOA siiyay ku sheegay in Wasiirada uu magacaabay Raysal Wasaaraha  ay shaqada Raysal Wasaaraha tahay,Faroolana ay shaqadiisa tahay Puntland.

Wuxuuna sheegay hadalka Faroole inaysan taageersanayn,waana wax laga xumaado.

Waxaana loo arkaya Madaxweynaha Puntland inuusan doonayn in qabiiladaa loo magacaabo Wasiir.

Waxaa kale oo uu Nabadoonku xusay haddii aan Wasiirada oo lagu bixiyay qaabkii 4.5,aysan matalin Puntland,Waxaa su’aal ka imanaysaa cidda uu faroole matalaayo.

Labadan Wasiir ayaa Maamulka Puntland ay si ba’an uga soo hor jeestay,una ku dhawaaqay diidmadaa Mr. Faroole.

Labadan Wasiir ee la diidan yahay ayaa waxay kasoo kala jeedaan Laylkase iyo Dhulbahante.

Arrintan haddaan Maamulka Faroole uusan ka noqon waxay keenaysaa kala fogaansho tolnimadii ay awalba duntu isku haysay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Laaska News