Archive

Posts Tagged ‘Buuhoodle’

Wadahadalada Ergada Buuhoodle Vs Somaliland

Saturday, August 11, 2012 Comments off

Laaska News  August  11,  2012

Hawd – Wararka ka imanaya hawd iyo Hargeysa ayaa kusoo waramaya in ergo reer Buuhoodle ah oo uu kamid yahay Ex.hogaamiye SSC Saleemaan Xaglo Toosiye ayna weheliyaan odoyaal kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo maalmahan wadahalo usocdeen Somaliland ay arrimaha qaarkood isla meel dhigeen. Read more…

Shirkii Nairobi Iyo Sida Loo Qaybiyay Soo Xulista Xubnaha Beesha Sool Ee Baarlamaanka Oo Laga Biyo-diiday – Wareysi

Wednesday, August 8, 2012 Comments off

Laaska News August 7, 2012
Shirkii Nairobi Iyo Sida Loo Qaybiyay soo xulista Xubnaha Beesha Sool Uga Qayb Galaysa Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kahadlay Wasiirkii hore ee Warfaafinta kana biyo diiday sida loo maamulay.

Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka ee ka dhacay magaalada Nairobi, warbaahintana  horrey looga maqlay qodobada miiska yaalay ayaa waxaa  shalay laga soo saaray qodobo,qodobadaas  oo ay kamid ahaayeen qodob sheegaya in xubnaha Beesha Dhulbahante uga qayb galaya Baarlamaanka Soomaaliya laga soo kala xulo  ama ay soo kala xulaan odayaal kusugan Muqdisho iyo maamulka Puntland.

. Read more…

Saada Cali Oo Ka Baxday Isbitaalkii iyo Dhaawcii oo Mid Geeriyooday

Sunday, July 22, 2012 Comments off

Garowe, (Laaska News Jul.21) – Wararka Laga helayo magaalada Garowe ayaa kusoo waramaya in fanaanadda Saada Cali Warsame ay soo wanaagsanaanayso xaaladeeda caafimaad ayna galinkii hore ee maanta kabaxday Isbitaalka Garowe oo lagaga dawaynayay dhaawac kasoo gaadhay shil baabuur oo kadhacay  meel ka baxsan magaalada, galabnimadii shalay oo ay bishu ahayd  20 ka July 2012, shilkaas oo ay ku dhinteen laba qof oo midi uu ku dhintay goobta shilku ka dhacay, halka ka kalana uu habeenimadii ku geeriyooday Isbitaalka Garowe oo dhaawac ahaan lagu soo gaarsiiyay sida ay sheegeen mas,uuliyiinta caafimaadka oo warbaahinta la hadlay. Read more…

Fanaanad Qaran – Saada Cali Oo Shil Gaadhi Ku Dhaawacantay Wadada Gaalkacyo – Garowe

Saturday, July 21, 2012 Comments off

Laaska News July  21,  2012                 “Car Accident”

Garowe (July 20) Fanaanada caanka ah ee Saada Cali Warsame ayaa ku dhaawacantay shil baabuur halka uu qof ku dhintya shilkaa,laba kalana ay ku dhaawacmeen.Waxaana lagu soo waramayaa inay qabto dhaawac fudud,ayna ka jabtay gacan,qoortana wax ka qabto, ayna miyir qabto ayna hadlayso, sidoo kalena ay taahayso!. Read more…

Beesha Sool Waxay Aqoonsan Tahay 18 ka Gobol Ee Soomaaliya

Tuesday, June 26, 2012 Comments off

Laaska News June 26,  2012

Beesha Sool Waxay Aqoonsan Tahay 18 ka Gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,Dastuurkuna Kii “Kacaanka”.

Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba aysan ka war wareegin runta iyo xaqiiqda ayna xusuustaan in umadda Soomaaliyeed dawlad dhaxe ay yeelato ay ugu dambeysay dawladdii kacaanka ee rogmatay Bishii Janauary 1991. Read more…

Dagaalka Ka Dhacay Deegaanada U Dhaxeeya Laascaanood – Kalabaydh Iyo Sool Joogto Ee Buuhoodle – Part 2

Monday, April 2, 2012 Comments off

Laaska News  Apr. 2, 2012

Dagaalada shalay ee ka dhacay sool Joogto oo ka tirsan deegaanka Buuhoodle iyo meel(o) u dhaxaysa Kalabaydh iyo Laascaanood ayaa waxaa kasoo baxayaa warar kala duwan oo haddana is khilaafsan marka loo eego cidda weerarka qaaday,qasaaraha uu geystay,dhimashada iyo dhaawaca,maxaabiista la qabtay, gaadiidka lagubay ama la qabtay ee soo kala gaadhay Read more…

Xukuumadda KMG Soomaliya Oo La Sheegay Inay Aqooonsi Kala Noqotay Khaatumo State

Friday, March 9, 2012 Comments off

Muqdisho March 9 (Laaska News) – Waxaa soobaxay war sheegaya in xukuumadda KMG Soomaaliya ay kala noqotay aqoonsigii maamulka Khaatumo sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoobaxay xafiiska R/wasaaraha Dawladda KMG Soomaaliya uuna kusaxiixan yahay Kusimaha R/wasaaraha ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha. Read more…

Madaxweynaha Somaaliya Oo Ka Hadlay Soo Dhaweynta Khaatumo

Thursday, March 8, 2012 Comments off


Muqdisho
March 8  (Laaska News) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka qayb galay xuska maalinta haweenka oo ka dhacday Muqdisho hadalna ka jeediyay ayaa mar uu ka hadlay soo dhaweynta Khaatumo waxa hadaladiisa kamid ahaa: Read more…

Taliyihii Iyo Abaanduulihii Ciidamada SL Oo Xilkii Laga qaaday,Kuwo Cusubna La Magacaabay

Thursday, February 9, 2012 Comments off

Laaska News  Feb. 9, 2012

Hargeysa – Warka laga helayo Hargeysa ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha Somaliland Mr. Axmed Silaanyo uu xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidamada (Mr. Jidhif) iyo Abaanduulaha (Mr. Ibraahim Caydiid- DD) ee Ciidamada Somaliland,uuna umagacabay Taliye iyo Abaanduule Cusub. Read more…

Buuhoodle – Dagaal Saaka ka dhacay Deegaanka Maygaagle

Wednesday, February 8, 2012 Comments off

Laaska News  Feb. 8, 2012

Hawd (LN) – Waxaa laga soo waramayaa in dagaal uu saaka ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Buuhoodle, meel aan ka fogayn Maygaagle oo dagaalkaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Somaliland. Read more…