Archive

Archive for the ‘TFG Somalia’ Category

War-Murtiyeedkii Shir-Yarihii Qaramada Midoobay Ee Somalia (Communiqué on Secretary-General’s Mini-Summit on Somalia)

Friday, September 28, 2012 Comments off

Top News – War-murtiyeedkii laga soo saaray shir-yarihii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uu ku qabtay xaruunta QM ee New York  26 kii September, loogana hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qayb galay dawlado badan oo ay kamid yihiin 5 ta joogtada ah ee Golaha Amaanka, UN ka, Hay’ado iyo Ururo caalami ah iyo kuwa gobolka, waxaa shirkaa Somaaliya uga wakiil ahaa oo ka qayb qaatay PM  Dr. Cabdiwali Maxamed Caligaas, sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa shirkaa kaga qayb galay khadka  maqal iyo muuqaalka ah ee  teleconference -ga ah.
.

Maxaase kasoo baxay? kalmado aanan caalamka ku arag  kuna maqal muddo labaatan sano ah!!!!!

“We reaffirmed our respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia and pledged our support to a peaceful, democratic, stable and prosperous Somalia.  We recognized that Somalia had entered a new political era and committed to forge a new partnership for peace-building and state-building, which should be based on principles of national ownership, mutual accountability and transparency.”

Read more…

New York – Somali PM Iyo Ban Ki-Moon Oo Shir Gudoomiyay Kulankii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Somalia

Friday, September 28, 2012 Comments off

Laaska News Sept. 28,  2012

New York – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Xooghaya Guud ee QM Baan Ki-Moon ayaa shir gudoominayey kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey Arimaha Soomaaliya waxaana shirkaas ka soo qayb galay Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Xoghayaha Arimaha dibada ee Maraykanka, Wasiirka Arimaha Dibabada ee Turkiga, Maxaweyne ku xigeenka Ugandha,Xoghayaha Arimaha Siyaasada ee Midowga Yurub iyo Madax kale oo faro badan,waxaana kulankaas dhanka Stellate oo Muuqaal ah uga qayb galay madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud. Read more…

Somalia – Xildhibaan Lagu Dilay Muqdisho Caawa (Sept.22, 2012)

Saturday, September 22, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 22, 2012

Magaalada Muqdisho wararka ka imanaya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay dabley hubaysan ay ku toogteen fiidkii hore ee caawa (waqtigii salaadda). Read more…

Somalia – Madaxtooyada Qaranka Iyo “Hadyado Madaxweyne” Dahab U Badan Oo Labada Madaxweyne Lakala Wareegeen.

Friday, September 14, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 14, 2012

“Madaxweyne Shariif  Haloo Celiyo Seefta Dahabka Ah” Laaska News + Garaad Square.


Madaxweyne Shariif Oo Ku Wareejiyay Madaxweynaha Cusub ee Somalia “Hadyado Madaxweyne” Dahab U Badan Oo Xilligiisii Madaxda Caalamku Gudoondiisay.


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligiisi dhamaaday Md. Shiikh Shariif sh. Axmed uu shalay uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu ku wareejiyay Madaxtooyada Qaranka iyo waxyaalo hadyado ah oo dahab ubadan oo horrey loogu siiyay hab sharafeed “hadyado Madaxweyene” sida lagu sheegay warbaahinta dawladda. Read more…

Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Oo Ka Badbaaday Qaraxyo Ismiidaamin Ah,Shacabkana Lahadlay

Thursday, September 13, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 13, 2012            (Akhri  Khudbadda)

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud ee la doortay Sept. 10 keedii ayaa warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ugana tacsiyadeeyay geerida dhawr kamid ah ciidanka  oo waxyeelo geeri iyo dhaawacba leh ay kasoo gaadhay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu kabadbaaday,Madaxwynaha JFS, Waxa kale oo uu sheegay inaysan waxba kabadalayn qaraxayadaas dhacay,oo aysan kaleexanayn wadada lahaysto(loo joojin maayo weeye macnaheedu). Read more…

Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay

Monday, September 3, 2012 Comments off

Laaska News  Sept . 3,   2012

Muqdisho – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay maanta bilaabeen qabashada codsiyada iyo diiwaangalinta musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo lagu wado inay dalka ka dhacdo todobaadka dambe Read more…

Madaxweyne Shariif Oo Kasoo Laabtay Dibadda

Monday, September 3, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 3, 2012
Muqdisho- Madaxweynaha Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa maanta kasoo laabtay socdaal gaaban oo uu ku tagay dalka dibaddiisa, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay gagida dayuuradaha ee Adan Cadde Airport Muqdisho. Read more…

Somalia – Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Qodobka Ah In “Murashaxa Madaxweynaha Uu Haysto Codka 20 Mudane”

Sunday, September 2, 2012 Comments off

Muqdisho,  Sept. 2 (LN) –  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan fadhi ah ku yeeshay maanta xarunta Golaha Shacabka ee caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa dood ka yeeshay ajandayaal dhawr ah,qaarkoodna go’aan ka gaadhay sida qodobkii ahaa cidda u tartamaysa madaxtinimada dalka inuu la yimaado codka kalsoonida 20 xildhibaan, waxaana lagu soo waramayaa in qodobkaasi uu waayay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd, balse uu ka cod batay qodob kale oo uu helay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd kadib markii mudanayaashu ay cod u qaadeen. Read more…

Somalia -Shuruudaha Laga Doonayo Cidda U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo La Sheegay

Saturday, September 1, 2012 Comments off

Laaska News    Sept.  1,  2012

Muqdisho, Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Shuruudaha laga doonayo qofka  (musharaxa) u tartamaya xilka Madaxweynaha J.Soomaaliya, kadib markii ay Guddigu kulan ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho.Guddiga ayaa sidoo kale  maalintii shalay sheegay in doorashadu  Madaxweynaha ay dhacayso 9 sept. 2012. Read more…

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo La Ansixiyay Iyo Haweenka Baarlamaanka Oo Sameeyay Ricord Cusub

Friday, August 31, 2012 Comments off

Laaska News August  31,   2012

Muqsisho, Aug.30 -Iyadoo lagu wado doorashada madaxtinimada dalka in lagu qabto muddo toban cisho gudahood ah ayaa mudanayaasha Baarlamaanka cusub fadhi ay ku yeesheen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku ansixiyeen guddi doorasho oo ka kooban 15 xubnood oo lagu xulay habka 4.5 (H%), waxaana guddigaas saacadaha innagu soo fool leh laga filayaa inay ku dhawaaqaan shuruudaha laga doonayo musharaxa u tartamaya doorashada,  mudada qabashada araajid & goorta laqabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Read more…