Archive

Archive for the ‘Baarlamaan 2012’ Category

Somalia – Xildhibaan Lagu Dilay Muqdisho Caawa (Sept.22, 2012)

Saturday, September 22, 2012 Comments off

Laaska News  Sept. 22, 2012

Magaalada Muqdisho wararka ka imanaya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay dabley hubaysan ay ku toogteen fiidkii hore ee caawa (waqtigii salaadda). Read more…

Somalia – Diiwaan Galinta Musharixiinta Oo Guddiga Doorashadu Bilaabay

Monday, September 3, 2012 Comments off

Laaska News  Sept . 3,   2012

Muqdisho – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay maanta bilaabeen qabashada codsiyada iyo diiwaangalinta musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo lagu wado inay dalka ka dhacdo todobaadka dambe Read more…

Somalia – Baarlamaanka Oo Cod Ku Diiday Qodobka Ah In “Murashaxa Madaxweynaha Uu Haysto Codka 20 Mudane”

Sunday, September 2, 2012 Comments off

Muqdisho,  Sept. 2 (LN) –  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan fadhi ah ku yeeshay maanta xarunta Golaha Shacabka ee caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa dood ka yeeshay ajandayaal dhawr ah,qaarkoodna go’aan ka gaadhay sida qodobkii ahaa cidda u tartamaysa madaxtinimada dalka inuu la yimaado codka kalsoonida 20 xildhibaan, waxaana lagu soo waramayaa in qodobkaasi uu waayay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd, balse uu ka cod batay qodob kale oo uu helay kalsoonida mudanayaasha intoodii badnayd kadib markii mudanayaashu ay cod u qaadeen. Read more…

Somalia -Shuruudaha Laga Doonayo Cidda U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo La Sheegay

Saturday, September 1, 2012 Comments off

Laaska News    Sept.  1,  2012

Muqdisho, Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Shuruudaha laga doonayo qofka  (musharaxa) u tartamaya xilka Madaxweynaha J.Soomaaliya, kadib markii ay Guddigu kulan ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho.Guddiga ayaa sidoo kale  maalintii shalay sheegay in doorashadu  Madaxweynaha ay dhacayso 9 sept. 2012. Read more…

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo La Ansixiyay Iyo Haweenka Baarlamaanka Oo Sameeyay Ricord Cusub

Friday, August 31, 2012 Comments off

Laaska News August  31,   2012

Muqsisho, Aug.30 -Iyadoo lagu wado doorashada madaxtinimada dalka in lagu qabto muddo toban cisho gudahood ah ayaa mudanayaasha Baarlamaanka cusub fadhi ay ku yeesheen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku ansixiyeen guddi doorasho oo ka kooban 15 xubnood oo lagu xulay habka 4.5 (H%), waxaana guddigaas saacadaha innagu soo fool leh laga filayaa inay ku dhawaaqaan shuruudaha laga doonayo musharaxa u tartamaya doorashada,  mudada qabashada araajid & goorta laqabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Read more…

Somalia – Wafdi Kasocda Beesha Caalamka Oo Dalka Yimid

Wednesday, August 29, 2012 Comments off

Laaskanews  August  29,  2012

Wararka ka imanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kusoo waramaya in wafdi kasocda caalamka uu dalka yimid. Read more…

Somalia -Guddoomiye Ku-Xig. Koowaad Ee Baarlamaanmka Oo La Doortay

Wednesday, August 29, 2012 Comments off

laaska News  August 29, 2012

Muqdisho – Doorashada tartanka  Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka soomaaliya oo ay u tartamayeen 4 xubnood ayaa dhamaatay, mudanayaasha utartamayay doorashada ayaa waxay wareeggii 1aad ee doorashada  kala heleen sida soo socota: Read more…

Guddoomiyihii Hore Ee Guddiga Khuburada Dastuurka Oo Loo Doortay Afhayeenka Baarlamaanka Somalia

Tuesday, August 28, 2012 Comments off

Laaska News  August 28, 2012
Muqdisho – Tartankii doorashada afhayeenka Baarlamaanka soomaaliya ayaa ka dhacday maanta caasimadda soomaaliya ee muqdisho waxaana u tartamay xilkaa 5 musharax oo ka tirsan mudanayaasha Soomaaliya, waxaana xilkaa Afhayeenka (Guddoomiyaha) Baarlamaanka Somalia  ku guulaystay  Guddoomiyihii hore ee  Guddiga Khuburada Dastuurka  Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo helay codadka ugu badan ee doorashada codayntii wareeggii 1aad. Wareeggii labaad ee doorashada oo ay ahayd inay mudanayaashu u codeeyaan labada musharax ee  codka ugu badnayd oo kala ahaa  Prof. Jawaare iyo Prof. Galaydh ayuu  Mr.  Galaydh oo ahaa ninka labaad oo ugu cod badnaa wareeggii 1aad ee doorashada  uu  kahadhay. Read more…

Somalia Oo Dooranaysa Afhayeen, Ku-xigeenno Iyo Wadadii Lagu Heli Lahaa Luggooye ama Hogaamiye Qaran (Aug.28,2012)

Tuesday, August 28, 2012 Comments off

Laaskanews August  28,  2012

EPA(File)

Muqdisho, -Tartanka doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa ayaa lagu wadaa inay dhacdo aroorta, August 28, 2012,waxaanna muuqata in tartankani gaar ahaan xilka Guddoomiyaha uu yahay mid adag oo aan la saadaalin karin, dalkana ku keeni karta isbadal aan horrey loo arag haddii aanay jirin heshiis hoose oo ay leeyihiin musharaxiintu oo shacab weynaha ka qarsoon. Read more…

Somalia – Kalfadhiggii 3aad Ee Baarlamaanka Oo Musharaxiin Ka Jeediyeen Qorshahooda

Monday, August 27, 2012 Comments off

Laaskanews  August 26,  2012

Muqdisho -Musharaxiinta u tartamaya xilka afhayeenka baarlamaanka iyo kuxigeennaddiisa ayaa maanta kalfadhigii 3aad ee kulanka golaha ka hor jeediyay qorshahooda doorashada,waxaana la sheegay in tartanka xilka Afhayeenka oo ahaa 6, ay hadda usoo hadheen 5 xildhibaan, kadib markii uu tartanka ka hadhay Mudane Juriile . Read more…