Home > Som Presid > Madaxweynaha Somalia Oo Socdaalkii 1aad Ku Tagay Dibadda

Madaxweynaha Somalia Oo Socdaalkii 1aad Ku Tagay Dibadda

Tuesday, October 9, 2012

Laaska News 9 October 2012
Muqdisho,(Oct.8)-Madaxweynaha J F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Soomaaliya ee Miqdisho,socdaalkan oo ah socdaalkii ugu horreeyay ee uu madaxweyne Xasan uu ku tago dalka dibaddiisa tan iyo markii la doortay oo ahayd 10 kii bishii hore ee September.

.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiiro xukuumadda Soomaaliya ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa la sheegay inay kusii jeedeen caasimadda dalka Uganda ee Kampala,kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan uu casuumad ka helay dhiggiisa dalka Uganda, halkaas oo ay kagala qayb galayaan munaasabadda  dabaaldegga sannad guuradii 50 aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu xorriyadda qaatay oo ku beegan maalinta barri ah.

.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inta uu joogo caasimadda dalka Uganda ee Kampala inuu kulamo laqaato madaxda waddankaas iyo madax kale oo kasocota caalamka.

.
Laaska News