Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND > Shirkii Maygaag – Heshiis laga gaaray Xiisadii Deegaanka Cadaada, Cagaare ee Beelaha Bahararsame & Cumar Maxamuud

Shirkii Maygaag – Heshiis laga gaaray Xiisadii Deegaanka Cadaada, Cagaare ee Beelaha Bahararsame & Cumar Maxamuud

Monday, December 20, 2010

Laaska News December 20,2010.

Lasanod(Laaska News),Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyay shir nabadeed ka socday maygaag(Meygaagle) oo u dhaxaysa Qoriley iyo Burtinle,kuna taala deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.
Shirkan ayaa waxaa maamulkooda lahaa odayaal iyo masuuliyiin kasoo jeeda Deegaanka Somalida ee Zone 5,waxaana Door weyn ka qaatay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise(Cumar Maxamuud) oo gogosha Marti loogu ahaa.


Waxaa kaloo ka qayb galay madax kasocota Dawlad Goboleedka Soomalida ee Ethiopia iyo ka Federaalka Ethiopia oo Kaalin weyna ka qaatay,sidoo kale Isimo,Cuqaal iyo odayaal labada Beelood.

Waxaa kaloo ka qayb galay Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud(Xaabsade) iyo Chief Caaqil C/kariim Axmed Saleemaan Mursal oo ah Caaqilka Guud ee Beesha Bahararsame,Cuqaal iyo Odayaal labada dhinaca ah.

Shirkan ayaa waxaa lagu dhexdhexaadinaya laba Beelood oo kala ah Bahararsame iyo Cumar Maxamuud,wuxuuna socday 24 Cisho.

Xiisadda Deegaanka Cagaare ayaa sida in badan laga maqlay warbaahinta ayaa waxay tahay xiisad soo noqnoqatay dad badana ay ku naf waayeen,in badanna ay ku dhaawacmeen.Waxayna xiisadan colaadeed ee deegaanka Cagaare ka kacday xagga daaqsinta iyo deegaamaynta sida barkada la qodo,marka dambana waxay isku rogtay aanaysi iyo gaado.

Waxaa xusid mudan in dhawr jeer oo hore xal laga gaaray,laakiin aysan helin fulin iyo dhamaystir toona.

Shirkan ayaa waxaa dhexdhexaadinayay Guddi odayaala ah oo ka soo kala jeeda Beel weynta Daarood,kana kooban 21 xubnood oo lana dhaariyay,sida la sheegayna laga xusay Beesha Mareexaan,Leylkase iyo Ogaden.

Ergada labada Beelood shirka uga qayb gashay ayaa la sheegay inay ahaayeen 60 xubnood oo kala ah(30 Ergey oo Beesha Bahararsame ah iyo 30 Ergey oo Beesha Cumar Maxamuud ah),isla mar ahaantaana la dhaariyay si ay  ugu hogaansamaan wixii laga soosaaro gogoshaa nabada,ee loo dhigay labada Beelood ee Walaalaha ah,Deegaan wadaagtana ah.


Shirkaas ayaa waxaa lagu dhexdhexaadinayay laba Beelood oo deegaan wadaag ah kana soo kala jeeda Kalabaydh (Sool) iyo Burtinle (Nugaal) ee Beelaha Bahararsame (Dhulbahante) iyo Cumar Maxamuud (majeerteen),labada beelood ayaa waxay xuduud ka leeyihiin dhul daaqsimeed ka ku yaala Zone 5 (maamulka soomaalida ee Itoobiya) oo ay xuduuda Soomaalidu kala leedahay dhul ka tirsan gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal.

Labada beelood ayaa waxaa ku kala dhintay intii ka dambaysay colaado horay laysaga arkay oo heshiis lakala dhexdhigay Dhimasho ah 27 qof oo kala ah:

Beesha Bahararsame ayaa waxay ku sheeganaysay in Beesha Cumar Maxamuud ay ka dileen 20 qof oo kala ah 19 rag ah iyo qof Dumar ah.

Halka Beesha Cumar Maxamuudna ay sheeganaysay 7 nin.

Waxaa kale oo laysku sheeganayay qoryo iyo waxyaalo kale.
Waxyaalaha Labada Beelood ay isku afgarteen:

-In laga heshiiyay Colaadii Xiisadaii Cagaare ee u dhaxaysay labada Beelood Ee Bahararsame iyo Cumar Maxamuud.
-In la bixiyay wixii tacsi iyo Duugis ahayd.
-In laysku wareejiyay wixii hub ahaa ee lakala qaatay.
-In laysla ogolaaday qolo waba waxay gaysatay oo kala ah 20 meel ah iyo 7 meel ah,ee qolo walba qolada kale ku sheeganaysay.

Go’aamadii shirkaa lagu gaaray ee ay soosaareen Gudiga Dhexdhexaadinta ayaa waxaa kamid ah:

1.In qofkii rag ah laga bixiyo 100 halaad,qofka Dumarka ahna laga bixiyo 50 halaad.
2.In magta jifida ah lagu bixiyo 3 Bilood,magdheertana lagu bixiyo 6 Bilood.

3.In magta 40% lagu bixiyo Geel nool,60% lagu bixiyo lacag.
4.In marka magta lakala qaato dhaawacana lagu kala sinto Shareecada Islaamka.
5.In xagga dhulka la raaco Heshiiskii la gaaray 2007.

6.In dhulka Daaqsinta aan deegaamo laga samayn karin.
7.In dhulkii Deegaanka ahaa (tuulooyinka) loo kala qayday.
8.In Go’aanada Fulintooda ay leedahay Dawladda Somaliada ee Kililka 5aad ee Ethiopia.
9.In laysla Ogolaaday dhamaan Qodobada Heshiiska ee la gaaray.

10.In heshiiska cidii jabisa lagu qaadayo Ganaax dhan 200 halaad iyo 100,000Bir.

11.In ciddi deegaan kasamaysa ama Barkad ka qoda meel kabaxsan deegaankooda loo qayday ay la kulmayso ganaax dhan 30,000 Bir.

Waxaa labada Beelood u hadlay laba Caaqil oo sheegay inay raali ku yihiin go’aanadii  kasoo baxay shirkii nabadeed ee Gudiga Dhexdhexaadka ah ay gaareen.

.

Waxaana ay kala ahaayeen:

Caaqil Maxamuud Samater oo u hadlay Beesha Cumar Maxamuud iyo Chief Caaqil C/kariim Axmed Saleemaan Mursal oo u hadlay Beesha Bahararsame.

Waxaa kale oo warbaahinta la hadlay Amiir Maxamuud Yuusuf  Ciise oo ah Amiir Beesha Cumar Maxamuud ah,wuxuuna sheegay in la heshiiyay.

Waxa kale oo isna warbaahinta la hadlay Axmed Cabdi Xaabsade oo Cadeeyay in la heshiiyay Gogol wanaagsana la dhigay.

Gabogabodii Waxaan waxgaradka iyo aqoonyahanada ka soo jeeda deegaanada isoo jeedinaynaa in laga shaqeeyo nabadda dadkaa walaalaha ah,isla markaana laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa nolosha dadka iyo Deegaankaa.

Allow Nabad iyo Caano Baannu ku weydiisanay.

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com