Home > TFG Somalia > Somalia – Degmooyin Cusub Oo J/Hoose Iyo Bay Loo Magacaabay – Wareegto Madaxweyne

Somalia – Degmooyin Cusub Oo J/Hoose Iyo Bay Loo Magacaabay – Wareegto Madaxweyne

Monday, August 13, 2012

Laaska News August 13, 2012

Muqdisho, Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay  in laba deegaan oo ka kala tirsan Gobolada J/Hoose iyo Bay laga dhigay Degmooyin sida laga helay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u baahiyay  wareegto Madaxweyne oo ka hadlaysa degmooyinka cusub.
.

Wareegtadaas oo  kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in degmooyin cusub loogu aqoonsaday deegaanada kala ah Buulo-xaaji oo ka tirsan Gobolka J/Hoose iyo Raaxoole oo ka tirsan Gobolka Bay.

.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sidoo kale ku wargalisay haydaha dawliga ah dhammaantood in degmooyinkaa loo dhammaystiro adeegyada ay ubaahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee kunool.
.

Waxaana lagu sheegay warbaahinta Qaranka August 12,2012.

 

END.

 

Related Articles:

Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Laba Degmo U Magacaabay Deegaanno Gedo Iyo Bakool Ah – Wareegto

Somalia- Degmooyin La Magacaabay – Wareegto

Galinsoor Oo Laga Dhigay Degmo